Deg Deg: Garoowe Oo Ay Hada Soo Gaadhan Ciidamo Ka Socda Muqdisho Oo Xuujin Doona Dagaalka U Dhexeeye Puntland Iyo Somaliland

21

Garoowe Oo Ay Soo Gaadheen Ciidan Ka Socda Maamul Goboleedyada Somaliya Oo Xoojinaaya Dagaalka U dhaxeeya Puntland Iyo Somaliland.
MagaaladaGaroowe Ee Caasimada Maamul Goboleedka Putland Ayaa Waxaa Soo Gaadhey Ciidan Tiro Badan Oo Ka Socda Maamul Goboleedyada Somalilya,Ciidankan Ayaa Ka Qayb Qaadanaya Sida La Sheegey Dagaalka U dhaxeeya Puntland Iyo Somaliland.

Maamulka Putland Ayaa Hore Ushaaciyey Inaanu Istaagi Doonin Dagaalka Ay Kula Jiraan Somaliland Ilaa Iyo Inta Ay Dib Ula Soo Noqonayaan Deegaano Ay Somaliland Ka Qabsatay.

Puntland Ayaa Qorshaynaysa Inay Soo Qaado Dagaalkii Ugu Cusla Kaas Oo Ay Ku Doonayso Inay Kula Wareegto Deegaanka Tukoraq Oo Ciidamada Somalind Fadhiisin U Ah.

Sidoo Kale Dawlada Somaliland Ayaa Maamihii Ugu Danbeeyey Ciidamo Tiro Badan Ku Daabulaysay Deegaanka Tuko-raq Oo Ciidamada Somaliland Hore Ay Ugu Qabsadeen Ciidamada Maamul Goboleedka Putland.

Guud Ahaaba Bulshadii Ku Noolayd Deegaanka Tuko-raq Ee Gobalka Sool Waa Ay Ka Barakaceen Deegaankaasi Waxanu Deegaanu Isku Bedelay Goob Ciidan Oo Ay Isku Hor Fadhiyaan Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Putland Waxaa Laga Cabsi Qabaa Inuu Dagaal Mar Kale Goobta Ka Qarxo.

Comments

comments

SHARE