Deg Deg: Askari Imika Ku Toogtay Magaalada Muqdisho Dirawal Text Iyo Sababta

Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw toogasho ku dilay nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa darawalada ku shaqeysata gadiidka yar yar ee Mooto Bajaajka.

Dad ku sugnaa goobta uu falka ka dhacay oo ah degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu jiray muran dhaxmaray darawalka iyo askariga toogashada geystay.

Rasaasta ayaa la sheegay in ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, taasoo keentay in uu u geeriyooday, halka askariga toogashada geystayna uu goobta ka baxsaday.

Ma’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Waabari oo uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada Amaanka ku raad joogaan askariga falka geystay, islamarkaana gacanta lagu soo dhiggi doono.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale Muqdisho toogasho lagu dilo dhalinyarada ku shaqeysata gadiidka Mooto Bajaajka oo ay si gaar ah u bartilmaameedsadaan ciidamada dowladda.

Comments

comments

SHARE