Arsene Wenger oo sheegay inuu go’aamin doono mustaqbalkiia maalmaha soo aadan

18

Macalinkii hore kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu go’aamin doono mustaqbalkiisa, gaar ahaan xili lala xiriirinayo inuu noqon doono badalka  Zinedine Zidane ee kooxda Real Madrid.

Ninka reer France ayaa lala xiriirinayaa inuu leylin doono Real Madrid, kadib markii uu Khamiistii Zinedine Zidane si layaab leh isaga casilay shaqadii uu ka hayay Santiago Bernabéu.

Wenger oo wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa ayaa wuxuu kaga jawaabay: “Waa su’aal ay haboon tahay inaan kaga jawaabo 15-ka maalmood ee soo aadan, waxaa xaqiiqo ah inaan xiiseenayo in markale macalin noqdo”.

“Ma garanayo waxa ay tahay caqabadan cusub ay noloshayda ku jirto, laakiin waa hawl u baahan baahi buuxda, waxaan sidoo kale u baahanahay inaan boos fiican u qaato si aan si fiican u fikiro”.

Comments

comments

SHARE