Kooxda Barcelona Oo Farrin Muhiim Ah U Diratay Xidiga Antoine Griezmann

145

Barcelona ayaa u muuqata mid ka sii niyad jabaysa aamusnaanta Antoine Griezmann kaas oo horay heshiis ula gaaray.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay ku wargalisay Antoine Griezmann inuu dadajiyo go’aankiisa si kooxdu ay badalkiisa ugu dhaqaaqdo haddii uu diido inuu iyaga ku biiro.

Maamulka Barcelona ayaa kalsooni ku qaba in Antoine Griezmann uu ilaalin doono balantii uu la galay bilooyin ka hor laakiin waxay rumaysan yihiin in wax walbo ay dhici karaan.

Antoine Griezmann ayaa u sheegay Barcelona inuu go’aan ka gaari doono mustaqbalkiisa inta uusan bilaaban koobka adduunka.

Comments

comments

SHARE