Deg Deg: Madaxweyne Farmaajo Oo Imika Ka Soo Baxay Villa Somalia Iyo Ujeedad Socdaalkiisa

Madaxweynaha dowladda Soo,aaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Baydhabo, halkaasoo la filayo inuu ka furmo shirka golaha amniga Qaranka.

Sidoo kale madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa gaaray magaalada Baydhabo.

Shirka amniga Qaranka oo lagu waday inuu maanta furmo ayaa dib u dhacay, sababo ku aadan in aanay Madaxda waqti hore gaarin magaalada Baydhabo, shirka ayaa socon doona muddo labo maalmood.

Ugu danbeyntii, Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed ay ka qeyb qaadanayaan howl galada lagu sugayo ammaanka magaalada.

Comments

comments

SHARE