Deg Deg: Maamulka Puntland Oo Hada Shaaciyey Tirada Askartii Kaga Geeriyootey Dagaalkii

Maamulka Puntland ayaa shaaciyey tirada askartii kaga geeriyootay deegaanka Balli Khadar, kadib dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo ah agaasimaha ciidammada Badda maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidankooda ay ka dhimatay Saddex Askari, ayna ka dhaawacmeen ku dhawaad 10 askari.

Waxa uu sheegay agaasimaha sidoo kale in dhanka Al-shabaab ay khasaare badan soo gaarsiiyeen balse tiro ahaan ma aanu sheegin.

“Ciidamadeenna wey iska caabiyeen argagaxisada, waxaa dhankeena ka dhimatay Saddex askari, waxaana ku dhaawacmay askar 10 ku dhow” ayuu yidhi taliyaha.

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada badda Puntland iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeen kahor waxa uu ka dhacay deegaanka Balli Khadar ee gobolka Bari, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Comments

comments

SHARE