Deg Deg: Laba WiiL Iyo Dilal Kale Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho + Sababta Loo Dilay

20

Deg Deg: Laba WiiL Iyo Dilal Kale Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho + Sababta Loo Dilay

Kooxo hubeysan ayaa habeennimadii xalay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir lagu waramayaa in ay ku toogteen labo Wiil oo dhalinyaro ah sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka degmada, gaar ahaan aaga uu dilku ka dhacay ee xaafadda Suuq Bacaad.

Waxaa goobta ka baxsaday raggii toogashada geystay oo la sheegay in ay ku hubeysnaayeen bastoolado, mana jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo la xiriira dlka dhalinyarada iyo cida ka danbeysay intaba.

Sidoo kale isla xalay xaafadda xaafada Siigaale oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaa lagu toogtay haweeney kaddib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan, warar hor-dhac ah oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in haweeneydan ay ka tirsaneyd shaqaalaha dowladda.

Waxaa muuqanaya in ay kordheen dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo maalin walba ugu yaraan qof lagu dilayo magaalada kuwaa oo isugu jira shacab iyo shaqaale ka tirsan dowladda intaba.

Comments

comments

SHARE