Deg Deg: Khayre Oo Imika Ka Baxay Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

19

Deg Deg: Khayre Oo Imika Ka Baxay Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan, iyo cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa lagu waddaa in uu ka qeyb galo shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta ka furmaya Magaalada Baydhabo.

Waxaa sidoo kale magaalada Baydhabo kusii jeedda qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyadda, waxaana galinka danbe ee maanta lagu wadaa in uu halkaa ka furmo shirka Amniga Qaranka.

Comments

comments

SHARE