Deg Deg: Ronaldo Oo Sheegay Inu Ka Tagi Doono Kooxda Real Madrid Iyo Kooxda U Tagi Doono

Cristiano Ronaldo ayaa ku war galiyay saaxiibadiis kooxda Real Madrid mustaqbalkiisa Los Blamcos, kahor kulanka finalka Champions League ee Sabtida lasoo dhaafay.

wargeyska Marca ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu u xaqiijiyay saxiibadiis kooxda Real Madrid inuu go’aansaday ka tagista garoonka bernabéu  kadib marka uu furmo suuqa xagaaga.

Maamulka kooxda Real ayaa lafahansan yahay in ka caroodeen hadalada Ronaldo kadib kulankii Champions League ee magaalada ee caasimada Kiev.

Los Blancos ayaa la fahansan yahay inaysan diyaar u ahayn iibinta Cristiano Ronaldo jadii aysan ku heli doonin qiimaha lagu kansali karo heshiiskiisa ee gaarsiisan aduun dhan hal bilyan euros.

Dhinaca kale Real Madrid ayaan dooneynin inay horumariso heshiiska Ronaldo oo da’adiisa gaarsiisan tahay 33 jir, inkastoo heerka ugu fiican ee qaab ciyaareedkiisa uu soo bandhigay xili ciyaareedyadii lasoo dhaafay.

Comments

comments

SHARE