Deg Deg: Kooxda Al-Shabaab Oo Weerar Culus Ku Soo Qaaday Maamulka Puntland + Khasaara Ka Dhashay

Al Shabab fighters train outside Mogadishu in 2011. The U.S. has increased operations against the group, bombing a militant training camp in March. The Pentagon said the strike killed over 150 militants. MOHAMED SHEIKH NOR/ASSOCIATED PRESS

Ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay weerar culus habeen xalay aheyd ay ku qaadeen fadhiisin  ciidamada Puntland ee Toga Bali Khadar oo ku yaala duleedka Boosaaso isla markaana cidhifka ku haya buura leyda Gal Gala sida ay baahisay idaacada VOA .

Weerarkan oo saacado badan socdey ayaa waxaa uu dhacay xalay xiligii suxuurta , isla markaana waxaa hubkan labada ciidan ay isku adeegsadeen hub culus iyo rasaas badan , waxaana ay dadka deeganku ay idaacada VOA u sheegen in ay maqlayeen dhawaaqa hubka Culus

 

Sidoo  Al-Shabaab ayaa sheegtay inay cagta mariyeen xeradaas, isla markaana ay ku furteen hub iyo gaadiid dagaal,  waxaana  ay sheegeen inay ku dileen illaa todobo askari oo ka tirsan ciidanka Puntland.

Hase ahaatee ma jirto war ka madax banaan sheegashada Al-Shabaab, iyadoo aanay weli jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Puntland.

Weerarkan saaka ayaa ku soo beegmayaa sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay weerarkii Ururka Alshabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin Tuulada Af Urur halkaas oo ay ciidamo badan ku laayeen

Comments

comments

SHARE