Somaliland: “Dhuumasho Ayuu Ku Yimid” Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Safarka Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland Ee Magaalada Buuhoodle

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay safarka madaxwayne ku-xigeenka Puntland maanta ku yimid magaalada Buuhoodle waxay ku tilmaamtau mid dhuumaaleysi ah isla markaasina aanu wax xikmadda ku jirin.

Wasiirka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo waxa uu sheegay in maamulka magaalada Buuhoodle aanu iyaga gacantooda ku jirin isla markaasina ay qorshe buuxa ka yeelan doonnaan sidii maamulka magaalada Buuhoodle ay gacanta Somaliland ugu soo celin lahaayeen.

Wasiir Koore waxa uu sheegay in xubno ka socda xukuumadda Somaliland ay dhawaan tegi doonnaan magaalada Buuhoodle – wada hadalna uu hadda u socda xukuumadda iyo dadka deegaankaasi – mar uu u waramaya shabakadda Hadhwanaag.

Geesta kale wasiirka biyaha Somaliland waxa uu sheegay in xaaladda gobolka Sool deggan tahay, waxa kale oo uu intaasi ku daray dad dhawaan magaalada Laascaanood lagu xidhxidhay oo uu sheegay in dadkaasi ay weli xidhan yihiin qaarkood sababta loo xidhayna ay tahay rabshado ay magaalada ka wadaan.

Madaxwayne ku-xigeenka Puntland Caamey oo isna maanta soo gaadhay magaaladaasi waxa uu meel fagaare ah kala hadlay dadka halkaasi ku dhaqan, waxaanu sheegay in dagaalka Somaliland ay maamulka Puntland aanu istaagi doonnin, shacabka halkaasi ku dhaqana wuxuu ka codsaday in ay is garab taagaan ciidamada maamulkaasi.

Caamey madaxwayne ku-xigeenka Puntland ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda magaalada Buuhoodle xukuumadda Muuse Biixi ayaa sidoo kale ku sheegtay safarka Caamey in ay qorshe ka yeelan doonnan isaga oo yimid tiraba dhowe jeer Buuhoodle. Waxaanay sheegtay xukuumaddu in uu dhanka xuduudka Itoobiya ka soo galay isaga oo dhuumanaya.

Waa markii ugu horeysay ee Somaliland sheegto in aanay si buuxda gacanta ugu haynin magaalada Buuhoodle oo ka tirsan Somaliland inkasta oo maamulka Puntland sheegto isna. Shacabka halkaasi ku dhaqan ayaan sidoo kale caddeyn arragtidooda labadan dhinac ee maamulkooda ku hirdamaya iyagoo kolba kii yimaada u sacab tuma.

Ugu danbeyntiin safarka madaxwayne ku-xigeenka Puntland ayaa ku soo beegmay wakhti Somaliland iuo Puntland xiisad colaaddeed ka dhaxeyso

Comments

comments

SHARE