Somaliland: Hoos-u-dhac Dhan 23% oo Lagu Sameeyey Dhaqaalaha ku Baxaya Maalgelinta Lagu Ballaadhinayo Dekedda Berbera

Dhaqaalaha lagu qiimeeyey in lagu maalgeliyo ballaadhinta Dekedda Berbera, ayaa hoos loo dhigay xaddi dhan 23%, kadib markii dib-u-qiimayn lagu sameeyey mashruuca ballaadhinta dekedda Berbera ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida lagu faafiyey wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa Itoobiya toddobaadkan, masuuliyiinta Dekedda Berbera, ayaa sheegay in shirkad laga leeyahay qaaradda Yurub oo markii hore samaysay qiimaynta dhaqaalaha ku baxaya maalgelinta lagu ballaadhinayo dekedda Berbera ay  noqonayso $260 milyan oo doollar ($260,000,000), balse dib-u-qiimayn mar kale lagu sameeyey mashruucan, ayaa lagu ogaaday in maalgelintiisu ay noqonayso $200 milyan oo doollar ($200,000,000), iyadoo qiimihii hore hoos looga dhigay xaddi dhan 23% ama $60 kun oo doollar, dib-u-qiimayntan oo ay wadajir u sameeyeen Shirkadda DP WORLD iyo Hay’adda Dekedaha Somaliland.

“Dib-qiimaynta la sameeyey waxa ay keentay in wax laga beddelo qiimayntii hore ee la sameeyey dhawr sanno ka hor.” Sidaa waxa yidhi Maareeye-ku-xigeenka Hay’adda Dekeddaha Somaliland Mr. Cabdi Cabdillaahi Xasan.

Ballaadhinta lagu samaynayo Dekedda Berbera oo dhan 800 mitir isku wareeg ah (800sqm), waxa loo kala qaadayaa laba weji, waxaanna wejiga hore noqonayaa dhismaha 400 mitir isku wareeg ah (400sqm), iyadoo ay maalgelintiisana ku baxaysa lacag dhan $200 milyan oo doollar, halka dhismahan ballaadhinta ahna la filayo in la dhammaystiro sannadka 2020, haddii Ilaahay yidhaah.

Maalgelinta guud ahaan lagu samaynayo ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera waxa ku baxaysa lacag dhan $442 milyan oo doollar ($442,000,000), maalgelintaas oo ay shirkadda DP WORLD leedahay 51%, dawladda Itoobiya-na la siiyey 19%, halka Somaliland ay leedahay 30%, iyadoo ay Itoobiya ballanqaaday inay dhisayso jidka isku xidhaya dekedda Berbera iyo magaalada Wajaale (Berbera Corridor).

Burbur iyo dayac xooggan ayaa ka muuqda jidka hadda isku xidha Berbera iyo Itoobiya oo la dhisay sannadkii 1972, maalgelintiisana ay bixiyeen Midawga Yurub, waxaana la doonayaa in la sameeyo waddo cusub, heerkeeduna sareeyo.

“Waxa la filayaa sida qorshuhu yahay in Dawladda Itoobiya ay dhismaha jidka cusub (Berbera Corridor) ay bilawdo ka hor dhammaadka sannadkan (2018) ee hadda lagu jiro.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo la hadlay Jaraa’dika the Fortune ee wargeyska Jamhuuriya soo xigtay.

Dhismaha jidkan cusub, ayaa la filayaa inuu sare u qaadi heerka isticmaalka dalka Itoobiya ku yeelanayo dekedda Berbera, maadaama uu hadda si xooggan ugu xidhan yahay dhinaca dekeddaha dalka Jabuuti.

 

 

 

Comments

comments

SOURCEJMG
SHARE