Somaliland: ‘Cidna ma Weerarayno oo Kuma Soconno Puntland, Laakiin Waajibka Xuduudkayaga Waannu Difaacaynaa’

Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in cidda aqoonta u leh arrimaha millarigu aanay ku degdegin dagaallada + nabad uu ugu baaqay maamul-gobolleedka Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey in aanay dawladda Somaliland marna diyaar u ahayn inay weerar ku qaado degaannada Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, balse ay heegan u tahay inay iska difaacaan cidda ku soo xad-gudubta xuduudaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbad u jeediyey askar dhammaystay tababar  uga socda degaanka Darar-weyne ee Woqooyiga Caasimadda Hargeysa shalay, waxa uu caddeeyey in xadka Somaliland yahay xuduudkii ay ka dhaxleen guumaystihii Ingiriiska sannadkii 1960-kii,  sidaa darteedna aanay diyaar u ahayn in Somaliland weerarto meel ka baxsan xadkeeda sharciga ah.

“Dhinaca bariga waxa ka jira dagaalo (Laakiin), innaga oo joogna xeradii ciidammada waxa aynu ku baaqaynaa nabadgelyo, uma soconno weerar oo cidna ma weerarayno oo kuma soconno Puntland, laakiin waajibka xuduudkayaga waannu difaacaynaa, in aynu wada difaacnana waa waajib ina wada saaran,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaannu intaas ku daray; “Anagu waayo-arag ayaannu nahay oo dagaal uma soconno ee xadka ayaannu difaacaynaa. Ninka war-moogga ah ee dagaalka buug uun ka akhriyey ee dagaalka soo qaadayoow adiga ayaa cirka roob ku og, anagu taas nabad ayaannu ka doonaynaa, xadka Somaliland-na waannu difaacaynaa, waana dadkeennii oo colaad lama doonayno, sabab ay Somaliland ugu soo duullaanna garan maayo, garan maayo sabab ay ugu soo duulaan Tuko-raq, xadkuna waa kii (xuduudkii) Ingiriiska, dadkuna waa dadkeennii, wax halkaas la isugu dillaana waa gar-darro, (markaa) innagu nabad ayeynu doonaynaa, iyagana Ilaahay caqli wuu siin doonaa.”

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sidoo kale sheegay in dadka aqoonta u leh arrimaha millatarigu aanay weligood ku degdegin dagaalka, balse waxa uu caddeeyey in markasta ay dagaalada bilaabaan siyaasiyiin ama cid aan waxba ka garayn dhibaatooyinka colaadda.

“Sideedaba haddii aad maqashaan dagaal, adduunka oo dhan loo abtiriyo dagaalka, ninka ciidanka ah ee dagaalka yaqaan weligii kuma degdego inuu dagaal sameeyo, had iyo jeerna waxa dagaallada bilaaba niman aan aqoon, jannanada waa loo yeedhaa uun, bal weligiinba meel kasta ka akhriya oo buug kasta ka akhriya oo bal eega dagaalkii koowaad ee Adduunka, dagaalkii labaad… ilaa dagaalkii xilligii Naabiliyoon, siyaasiyiintu marka ay dagaalka go’aaminayaan genaraalada (millatari) waa loo yeedhaa, oo iyaguna kolba way ka meeraystaan inay dagaal ku degdegaan oo kolba marmarsiiyo ayey keenaan, wayna ka meeraystaan dagaalka, waayo waxa ay garanayaan waxa ka imanaya. Dagaalka waxa qaada nin beeb iska cabbaya oo aan weligii dagaal arag oo aan dhibboo ama dhib soo marin oo kursi iyo qallin isku ruxaya, kaas ayuun baa yidhaah; ‘ha la dagaalamo kuwaasi way ina soo gardaraysteene,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxa kaloo uu ka hadlay dhibaatooyinkii ka dhashay dufaankii ku dhuftay degaannada xeebaha Somaliland, waxaannu yidhi; “Maanta dalkeennu meel fiican ayuu marayaa, Ilaahayna (SWT) barwaaqo ayuu inoo shubay, wayna jiraan dhibaatooyin innaga soo gaadhay roobabka oo dufaanno ah, wixii ku dhintayna Ilaahay ha u naxariisto, inta ku dhaawacmayna Alle ha shaafiyo, Ilaahayna cawil khayr qaba ha innaga siiyo, dadkeenana waynu u wada gurmaynaynaa oo ciddii u gurmatayna ciidanka ayuu ahaa.”

Comments

comments