Deg Deg: Zinedine Zidane oo ku dhawaaqay inuu isaga tagay Real Madrid

28

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga tagayo kooxdiisa.

Zinedine Zidane ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda Real Madrid bishii Janaayo ee 2016, wuxuuna u gacan galiyay kooxda 3-mar oo xiriir ah koobka horyaalada yurub.

45 jirkaan reer France ayaa maanta kulan dag dag ah la qaatay madaxwaynaha kooxda ee Florentino Perez, wuxuuna ku wargaliyay inuu ka tagayo kooxda.

Zidane ayaa la qaaday Real Madrid mudadii yarayd ee uu tababaraha u ahaa 9-koob, waxaana ugu danbeeyay Champions League oo sabtigii ay ka qaadeen Liverpool.

Wuxuu layliyay Real Madrid 149 kulan, wuxuu guul la gaaray 104 kulan, wuxuuna la qaaday 9-koob.

Comments

comments

SHARE