Deg Deg: Ciidamada Puliceka Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Hubeysan Iyo Goobta Ay Qarxinayan + Nuxurka

13

Ciidanka Policeka Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Ku Hubaysan Qaraxyo Iyo Goobaha Ay Doonaayeen Inay Qarxiyaan
Ciidamada Xasilinta ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen kooxo hubeesan oo la sheegay in falal amaan daro halkaasi ka wadeen.

Kooxaha hubeesan ee ciidamada amaanka soo qabteen oo gaaraya 11 nin oo ku hubeesnaa qoryaha fudud ayaa qaarkood waxa ay ku labisnaayeen dareeska kala duwan ee ciidanka dowlada sida kuwa Milatariga iyo Xasilinta.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi(Tuulax) ayaa sheegay in ragaas lasoo qabtay ay ahaayeen kuwo dadka Shacabka ah dhibaaten jiray,isla markaana mararka qaar Guryaha ugu geli jireen.

Waxa uu sheegay in howlgalada nuucaan ah laga sameyn doono dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir si looga hortago burcada hubeesan ee dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan Muqdisho.

Magaalada Muqdiso waxaa ku sugan burcad hubeesan oo xirta dareeska ciidanka dowlada, burcadan ayaana xiliyada qaar iska dhiga ciidamada amaanka oo baaritaano sameenaya kadibna dhac ka geesta guryaha ay galaan.

 

Comments

comments

SHARE