Deg Deg: Tahriibayaal Ka Badan 150 Qof Oo Laga Soo Saaray Xabsiyada Liibiye Oo Muqdisho Dib Logu Soo Celiyey

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa goor sii horeysay oo saaka ah laga soo dejiyay 151 dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku xidh-xidhnaa xabsiyada dalka Libya.

Maxaabiistan saaka la soo celiyey ayaa waxa ay kamid ahaayeen dhalinyaro qaab Tahriib ah ku galay dalka Liibiya hase yeeshee lagu xidhay xabsiyo ku yaalla Liibiya,iyadoona dhalinyaradan oo qaarkood la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in ay dib ugu soo laabtaan dalkoodii hooyo oo markii hore ay ka tahriibeen.

Safiirka Soomaaliya ee Yurub Ambassador Cali Siciid Fiqi oo Maxaabiistan la socday ayaa isna dhankiisa sheegay in dhalinyaradan ay yihiin kuwa ku jiray xabsiyo kala duwan oo ku yaala gudaha dalka Libya oo muddo ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyada isla markaana tacadiyo kala duwan ay kala kulmi jireen kooxaha magafayaasha loo yaqaan ee ku sugan dalka Libya.

Waa markii afaraad oo Maxaabiis ku xidhnaa xabsiyada dalka Liibiya dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya,waxaana socda dadaal ay wado dowladda Soomaaliya oo dhalinyarada ku xidh-xidhan xabsiyada caalamka dalka dib loogu soo celinayo.

Comments

comments

SHARE