Deg Deg: Maxaabiis Ku Jira Xabsiga Weyn Ee Hargeysa Oo Cabasho Weyn Ka Muujiyey Tacaddiyo Ay La Kulmaan + Muuqaal

Xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa waxa ku dhibaataysan maxaabiis laga soo qabatay jasiiradda Seychelles sannadkii 2009kii. Maxaabiistan ayaa xabsiga weyb ee magaalada Hargeysa loo soo gudbiyey 2012kii kaddib heshiis saddex geesood ah oo dhex maray dawladdaha Somaliland, dawladda Seychelles, Iyo QM.

Maxaabiistan oo in muddo ah xabsiga ku xidhnaa waxay sheegeen in ilaalada xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa ay u geystaan dhibaatooyin badan oo ay kamid tahay; jidh dil.
Dhallinyaradan oo u waramay warbaahinta Goobjoog oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho oo ay soo xiganayso shabakadda Barigaafrika waxay sheegeen in xaaladdoodu adag tahay, isla markaasina aanay helin cadaalad iyo daryeel. Maxaabiistani waxay sheegeen in xabsiga la keenay ugu horeyntiiba iyagoo 29 qof ah bal se la sii daayey 8 kamid ah halka mid kamid ah maxaabiistani uu u dhintay jidh dil loo geystay sannadkan horaantiisii- waa sida ay sheegeene.

Dhallinyaradanni waxay sheegeen in lagu soo eedyey budhcad baddeednimo, tiradoodu tahay 20 hadda maxbuus. Maxaabiis ah ayaa lagu xukumay 25 sanno illaa 18 sanno oo xabsi ah – Dhanka Seychelles.

Comments

comments

SHARE