Deg Deg: Madaxweyne Farmaajo Oo Gaadhay Dalka Kenya + Ujeedada Socdaalkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaweyd gaadhay magaalada Nairobi halkaas oo ay booqasho oo hal maalin ah uga bilaabatay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Jommo Kenyatta kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Monica Juma iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee kenya Mudane Cali Maxamed Sheikh.

Madaxweynaha ayaa maanta gelinka dambe wada hadallo la yeelanaya Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

 

Comments

comments

SHARE