Maxay tahay Sababta uusan Gareth Bale u Sameyn is Kululeen Finalka Champions League…Isagoona guul u Horseeday Real Madrid

Gareth Bale ayaa cayaar sareysa muujiyay habeenimadii sabtida wuxuuna Real Madrid ka caawiyay inay guul ka garaan Liverpool finalka Champions League.

28 jirakaan ayaa kusoo bilaawday keydka balse wuxuu dhaliyay labo gool oo caaqibo lahaa markii uu ku yimid badal cayaara.

Yeelkeede, inta lagu duga jiray waqtiga is kululenta xiddiga reer Welas qeyb kama aheyd cayaartoyda sameyneysay diyaar garowga.

Daawayaasha ayaana aad kaga walaacay arinkaas kadib Bale oo seegay is diyaarinta kulanka sido kalana keydka kusoo bilaawday.

Si kastaba, qabiirka cayaarha ee Spain Guillem Balague ayaa si dhaqsiya leh u cadeeyay wuxuuna kusoo qoray bartiisa twitter-ka: “Bale marnaba ma yimaado iskuleynta marka uusan kusoo bilaaban shaxda kooxda waan mid uu kaga duwan yahay xiddigaha kale ee badalka.

 

Comments

comments

SHARE