Lionel Messi oo Shaaca ka Qaaday Kooxda uu u Cayaari doono Kadib Barcelona

Lionel Messi ayaa sheegay inuu jeclaan lahaan u cayaarista kooxdiisii hore ee Newell’s Old Boys qeyb kamida xirfadiisa cayaareed.

Messi wuxuu ku biiray da’yarta kooxa ka dhisan Rosario, ee dalkiisa hooyo sanadkii 1994-tii, wuxuuna joogay halkaas muddo lix sanaa ka hor inta uusan ku biirin naadiga Barcelona.

Laakiin isagoo la hadlayay Marca , ayuu sheegay inuu rajeynayo inuu dib ugu laabto maalin un kooxdiisii hore, hadii xitaa ay tahay muddo kooban.

“Markasta waxaan inbadan caddeyay in booskeyga yurub ay tahay Barcelona,” ayuu yiri Messi.

“Mar walba ayaan dhahaa taas waxaana doonayaa maalin un inaan ka cayaaro kubbada cagta  Argentine, Ma garanaayo haddii ay dhaceyso, laakiin waxaan manaka ku hayaa, inay noqon doonto Newell’s Old Boys, ma jiraa wax badan.

“Waan jeclaan lahaa inaan ku noolaado ugu yaraan lix bilood, laakiin marnaba ma ogaaneysid waxa dhici doona.”

 

Comments

comments

SHARE