Deg Deg: Xaalada Degmada Tuka-raq Oo Cirka AIsku Shareertay + Ciidamo Badan Oo La Soo Dhoobay Iyo Jawi Dagaal Oo Inu Qarxo Laga Cabsi Qabo

Deg Deg: Xaalada Degmada Tuka-raq Oo Cirka AIsku Shareertay + Ciidamo Badan Oo La Soo Dhoobay Iyo Jawi Dagaal Oo Inu Qarxo Laga Cabsi Qabo

Ciidanka Somaliland iyo kuwa Maamul Goboleedka Putland ayaa wali ku hor fadhiyay goobahii uu dagaalkii khasaaraha ba,an gaystay uu ku dhex maray, waxaana intii ka dambaysay ku dhacaasi ay labada dhinacba xoojiyeen oo ay goobtaasi geeyeen saraakiisha dagaalka hogaamisa ee loo yaqaan “Abaanduule ama dagaal galiye” kuwaas oo laga soo qaaday meelo kala duwan oo labada dhinac ah.

Geesta kale xalayto ayaa dhanka Putland laga dareemay dhaqdhaqaaq Ciidansidda ay Wargane u xaqiijiyeen Goob joogayaal ku sugan aagaasi, inkasta oo ay saaka nabadoontahay haddana wali waxaa walaac xoogani ka jiraa in marka lelaga cabsi qabo dagaalkan

Mar haddii ay labad dhinacba xoojiyeen Hogaamiyayaasha dagaal, goobaha laga dareemayo Dagaalka ayaa waxaa ka mid ah dhanka Tuulada God-Qaboobe, Putland ayaa waxii ka dambeeyay dagaalkii todobaankan wali ku howlan urursi ciidan

Shalay ayay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenka Putland Mudane Coomay iyo guddid Difaaca Maamulkaasi ku baaqeen in dagaalku sii socon doono,

Comments

comments

SHARE