Deg Deg: Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Somaliland Oo La Soo Saftay Maamulka Punland + Hub U Soo Siiyey

Gaashaanle Dhexe Mahad Caarre oo ka baxsaday Ciidanka Milatariga Somaliland ayaa Maamul goboleedka Putland soo hubeeyeen waxaanay siiyeen saddex gaadhi oo Hub ah,

Sarkaalkan ayaa waxaa uu ku sugan yahay Tuulada Goof oo ka tirsan degmadda Ceergaabo,

ujeedada loo hubeeyay sarkaalkan ay ah siddii uu u hurin lahaa Colaada deegaanka Ceel-afwayn,

Xukumadda Muuse Biixi ayaan wali wax talaabo ah ka qaadin Gaashaanle dhexe Ina Caarre oo hore u qirtay in uu dagaal kula soo safan doono Beeshiisa oo dagaal sokeeye ka dhexeeyo beesha kale ee ay wadda dagaan deegaanka Ceel-afwayn.

Talaabadan ay ka faa,idaysteen Putland ee lagu hubeeyay sarkaalkan Erdhadka ah ayaa keenaysa in markale colaadi ka hulocdo deegaankaasi, wallow ay beesha kale ee dirirtu dhex martay ayaa ku baaqday Nabad in ay qaadanayso oo wax walba ka hormarinayso wadda noolaanshaha.

Wali taliska ciidanka uu ka tirsan yahay sarkaalkani iyo wasaaradda gaashaan-dhiga ayaa ka hadal sababta uu ku maqan yahay sarkaalkoodani

Comments

comments

SOURCEHangool News
SHARE