Deg Deg: Shariif Sheekh Axmed Oo Ka Hadlay Dagaalki Tuka-Raq Balse Muxu Ka Yidhi ??

Deg Deg: Shariif Sheekh Axmed Oo Ka Hadlay Dagaalki Tuka-Raq Balse Muxu Ka Yidhi ??

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey xaaladda deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool oo maalmihii la soo dhaafay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Madaxweyne Shariif ayaa yidhi ”…waa wax laga xumaado in dhiigga qof muslim ah la daadiyo xilli walba, bishaan oo kalane kuma sii jirto, waa bil cibaado waa bil toobad keen, waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka socda iyo dhiiga wiilasheenna ee macna darrada ku daadanaya” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Xasan madaxwaynihii hore ee Soomaaliya waxa uu labada dhinac waa Somaliland iyo Puntland e’ wax kasta wada-hadal ku dhammeeyaan oo ay dagaalka shuruud la’aan ku joojiyaan.

Ugu danbeyntiina xaaladda deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool ayaa degan waxaana wali ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa dhinacyada Puntland iyo Somaliland, ma jirto dedaalo nabadeed oo hadda toos u socda bal se waxaa jira warar sheegaya in telephone ay ku joojiyeen dagaalkii socday wakiilo ka tirsan beesha caalamka.

Comments

comments

SHARE