Dani Carvajal oo loo sheegay inuu qayb ka yahay ciyaartoyda xulka Spain u ciyaaraya koobka adduunka

Kadib baaritaankii lagu sameeyay daafaca kooxda Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa lagu ogaaday in dhaawiciisu uu yahay mid fudud.

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui ayaa u sheegay Dani Carvajal inuu qayb ka yahay ciyaartoyda kama danbaysta ah ee uu u soo xushay koobka adduunka.

Carvajal ayaa dhaawac looga saaray Final-kii Champions League, waxaana la dareemayay in laacibku uu seegayo koobka adduunka.

Laakiin baaritaanadii saaka lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in laacibku uu u baahan yahay kaliya 2-isbuuc si uu uga soo caafimaado dhaawiciisa.

Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa goor dhaw la hadlay Carvajal waxayna u sheegeen inuu isla bariba ku soo biiro xulka si halkaas loogu daaweeyo.

Comments

comments

SHARE