Cesc Fabregas oo laga doonayo horyaalka Spain

Xiddiga qadka dhexe ee Chelsea iyo xulka Spain ee Cesc Fabregas ayaa looga gacan haatinayaa horyaalka dalkiisa.

Cesc Fabregas ayaa la saadaalinayaa inuu qayb ka yahay ciyaartoyda Chelsea ay iska fasaxayso suuqa xaggaagan kadib hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa.

Qandaraaska Fabregas ee Chelsea waxaa uga harsan kaliya hal sano, laacibka ayaana qorshaynaya inuu dib ugu laabto La Liga.

Shabakada El Gol Digital ayaa daaha ka qaaday in kooxda Valencia ay diyaar u tahay inay heshiis u soo bandhigto Fabregas si ay ula wareegto xaggaagan.

Laakiin Valencia ayaa loo lan kala kulmaysa kooxda Villarreal oo dhankeeda aad u doonaysa saxiixa laacibkii hore ee Barcelona.

Fabregas ayaa bilooyin ka hor sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa Chelsea isla markaana qoyskiisu ay ku faraxsanyihiin nolosha London.

Comments

comments

SHARE