Somaliland: Muuse Biixi Oo Ku Gacan Saydhay Baaq Uga Yimiday Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Somaliland Oo Ganafka Ku Dhuftay Dalab Uga Yimi Madaxweynaha Somaliya Kaas Oo Ku Saabsan Xaalada Deegaanka TUKARAQ
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Diiday Dalab Ugu Yimi Wadamada Beesha Caalamka,

Kaas Oo Ku Aadana Xaalada Deegaanka TUKARAQ,Wakiilka Q/Midoobay iyo sii-hayaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Oo Todobaadkii U Danbeeyey U Kala Dabqaadaayey Madaxweynaha Somaliya Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Ayaan Suuro Gelin Kadib Markii Madaxweynaha Somaliland Ganafka Ku Dhuftay Hal Qodob Oo Ay Beesha Caalamku Soo JeedisayMadaxweynaha Somaliya Ayaa Madaxweynaha Somaliland Usoo Jeediyey Inuu Xaalada Deegaanka TUKARAQ Kala Hadlo,

Madaxweynaha Maamulka Puntland,C/weli Gaas,Waxaanu Madaxweynaha Somaliland Sheegay Inaanu Xaalada Deegaanka TUKARAQ Kala Xaajoonayn Cabdi-weli Gaas,

Balse Uu Kala Hadlaayo Madaxweynaha Dawlada Somaliya,Waxaana Halkaasi Ka Dhashay Is Maandhaaf,

Kadib Markii Madaxweynaha Somaliya Sheegay Inaanu Arintani U Dhaafi Karayn Madaxda Puntland,Isaga Oo Sheegay Inay Ka Dhex Abuurayso Khilaaf,

Geesta Kale Madaxweynaha Somaliland Ayaa Ku Adkaysanaaya Inaanu Wax Wada Hadala La Galayn Madaxweyne Gaas,

Maadama Oo Uu Yahay Badhasaab Maamula Gobolada Puntland,Kaas Oo U Dhigma Marka La Eego Nadaamka Dawladnimo Badhasaabka Gobolka SOOL

Comments

comments

SHARE