Deg Deg: Madaxweyne Farmaajo Oo Ciidamo Culus Keenayah Degmada Tuka-Raq Iyo Farrin U Somaliland U Soo Diray + Muuqaal

Deg Deg: Madaxweyne Farmaajo Oo Ciidamo Culus Keenayah Degmada Tuka-Raq Iyo Farrin U Somaliland U Soo Diray + Muuqaal

Madaxweynaha dawlada Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa wada qorshe uu rabo in ciidan nabad ilaalin ah ku keeno dhul ku yaala Somaliland .

Xogo ay Ilaysnews.com ka heshay xarunta madaxtooyada Somaliya ee Villa Somaliyawaxaa ay sheegayan in farmaajo uu rabo in dawlada Itoobiya uu ku qanciyo in ay ciidan nabad ilaalin ah keento deeganka Tuko-raq oo ay dhawr jeer ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland .

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maalintii shalay aheyd waxaa uu raysal wasaaraha xukuumadiisa uu u diray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya isla markaana waxaa la sheegay in Raysal wasaare Xasan Cali Khayre uu kulan la yeelan doono Raysal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya .

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo oo shalay baaq nabadeed u diray ciidamada ku dagaalamaya Deeganka Tuko-raq ayaa arintani ay afkiisa uga soo baxdey si lama filaan ah isaga oo sheegay in sheyga kaliya ee dawladiisa u dhiman ay tahay in ciidan la kala dhex dhigo labada dhinac , taasina ay tahay mid ay awoodi u saamixi weyday waxaana uu yidhi

” Anigu ka dawlad ahaan wax kasta oo karaan kayga ah oo aanu dagaalka Tuko-raq ku joojineyno waan sameynay waanu isku daynay alleh hortiisa in aanu baajino dhiigaas wax badana waanu ka shaqeynay , wax kaliya oo noo hadhey waxaa weeye waxay awoodi na reebtay oo dawlad laga rabey oo aheyd in aanu ciidan kala dhex gayno oo aanu ku dhex galno si nabad ah ” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo

Su,aasha isweydiinta leh ayaa ah hadii ay somaliya Itoobiya ku soo qanciso ciidankaas nabad ilaalinta ah in la keeno Tuko-raq dawlada Somaliland ma aqbali doontaa

Comments

comments

SHARE