Somaliland: “Somalia Maantana Waxay Yidhaahdeen Somaliland Masiibada Ku Dhacday Ee Dabaylaha Ku Gaada Balse Way Ku Fashilmeen” Wasiir Guri-Barwaaqo

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), ayaa sheegay inay dawladda Muqdisho ka talisa ee Somalia iyo Maamul goboleedkeeda Putland ku eedeeyey inay ku fashilmeen guul daro qadhaadhna kala kulmeen iyaga oo isku daye  inay dhibaatadda Duufaanadda iyo Roobabka Deegaanadda Xeebaha waqooyiga iyo Galbeedka  Somaliland ku gaadaan weerarka ay ku soo qaadeen deegaanka Tuko-Raq ee Bariga Somaliland iyaga oo horena munaasibadii Xuska 18-ka May Somalia dagaal kan oo kale ah ku soo beegtay kuna soo qaaday isla Ciidanka Jiida hore ee Somaliland u jooga isla deegaankaasi Tuko-Raq balse ay mar kale kala daadiyeen oo Baxaabiis iyo Baadiid ka qabsadeen ciidanka Somaliland.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), ayaa shalay isaga oo Saxaafadda kula hadlaayey Magaaladda Hargeysa, waxa uu sido kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo dawladdiisa Somaliland aanay diyaar u ahayn inay Somaliland dhiig Somaliyeed oo daata faraha la gasho Bisha Barakaysan ee Ramaddaanta balse Maamulka Somalia iyo maamul goboleedkeeda Putland weerarada ay ku soo qaadayaan Ciidanka qaranka Somaliland ay kalifayso inay Somaliland iska difaacdo wixii faro gelin ee dalkeeda iyo dadkeeda lagu soo qaado isla markaana Ciidamadda Somaliland ee geesiyaasha ahi ay shalayna jab iyo khaare xoogan u geysteen duulaanka Somalia ka dmabeyso ee Putland ku soo qaaday ciidanka qaranka Somaliland.

Wasiir Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) oo arintaasi ka hadlaayey waxa uu yidh i“Sidii Caadadda u ahayd ciidamada qaranka Somalia waxay isku dayeen inay ka faa’iidaystaan tabaalooyinkii dhacay ee ay duufaanadu sameeyeen oo sidii ay doorkii horena is yidhaahdeen maanta ayey 18-ka May u dabaal degayaane ee gaada ayey maantana is yidhaahdeen dad ayaa tabaalaysan oo xagaasi ayey iskugu yaaceene ee weerara oo Badhi Fura, haseyeeshe waxaanu u sheegaynaa mar kasta iyo goor kasta in ciidanka qaranka ee Somaliland in uu heegan yahay, hadii Ramaddaan lagu jiro, hadii Iid lagu jiro iyo hadii dhibaato kale dhacdana ay mar walba mudnaanta 1aad siinayaan sidii ay dadkooda iyo qarankooda Somaliland u difaacilahaayeen oo sidii uu Madaxweynaha Somaliland md Muuse Biixi Cabdi hore u balanqaaday ee uu u yidhi anagu hadii aanu Somaliland nahay naga ma gona, mana dooneyno in aanu umadda Somaliyeed Bisha Ramaddaan ee Umadda Islaamku doonayso inay cibaadaystaan dooni mayno in aanu dhiig daadino , hadeyeeshe qolada Somalia way ka suurtoowday way nagu soo duuleen waananu iska celinay oo nabadgelyo ku wada noolaasho, deris wanaag ayaanu intaba anagu diyaar u nahay, haseyeeshe dadka iyo dadlka Somaliland uma adkaysan doonaan umana dulqaadan doonaan , gardarada joogtada ah ee ay ku soo farogelinayso dawladda Somalia xudduudaha iyo dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, anagu nabagelyo ayaanu dooneyna mana dooneyno in aanu sii dururgno waayo Xudduudayada Somaliland waxba uma jirto oo Xabada ayaa gaadhaysa magaaladda Garoowe anaga oo u danaynayna inay dadkaasi Qaxaan balse waxaanu dooneyna in aduunyadu na la aragto gardarada Somalia iyo Putland xudduuduna maaha mid reernimo lagu sheeganaayo xudduudana Ingiriiskii Iyo Talyaanigii Ayaa Jeexay ee Maaha Xudduud ay Somalia Jeexday”

Comments

comments

SHARE