Deg Deg: Khasaarihii Ka Dhashay Labada Dhinac Ee Ciidamada Somaliland Iyo Maamulka Puntland Iyo Wararki U Danbeeyey

Deg Deg: Khasaarihii Ka Dhashay Labada Dhinac Ee Ciidamada Somaliland Iyo Maamulka Puntland Iyo Wararki U Danbeeyey

Dagaalkii saaka subaxnimadii hore ka qarxay deegaanka Tuko-raq oo ka tirsan gobolka Sool ayaa lagu soo waramayaa in uu hadda istaagay.

Dagaalkanni oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaan la sheegin khasaaraha ka dhashay. Labada dhinac waa (Somaliland iyo Puntland) oo hadlay waxay sheegeen in midkoodba midka kale weerar gaadmo ah ku soo qaaday oo ay ka jawaabeen. Xaalada goobtii uu dagaalku ka qarxay ayaa hadda deggan.

Maha markii ugu horeysay ee ay dagaalamaan labadani ciidan oo in muddo ah hadda is horfadhiya.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale war-saxaafaddeed ka soo saaray dagaalkanni waxaana lagu sheegay war-saxaafaddeedkan  in Somaliland ay soo weerartay ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan jiidda hore ee dagaanka Tuka-raq.

Ugu danbeyntiina saacad walba waxa la filankaraa in uu dagaalku dib u bilaabmo maadama oo weli ciidamadu is horfadhiyaan sidoo kalena ay labada dhinacba ku gaashaaman yihiin hub culus oo kala gedisan.

Comments

comments

SHARE