Somaliland: Dagaalka Xuduudda ee Somaliland iyo Puntiland Ma Soo Dedejin Doonaa Ictiraaf Somaliland Hesho?

Somaliland waxa maanta u buuxsamay 27 sannadood oo ka soo wareegay markii xorriyad la soo noqoshada Somaliland 18 May 1991 lagaga dhawaaqay magaalada Burco hase ahaatee ma jiro dal kaliya oo Qaran ahaan u aqoonsaday. Tani waxay Somaliland ku haysa caqabado dhanka horumarka ah inkasta oo ay ammaanka, doorashooyinka iyo tadawuraadka dhaqaalaha meel fiican ka joogto.

Caqabadaha Ictiraafka

Aqoonsigu waxa uu Somaliland u sahlaya in ay hay’addaha caalamiga ah ee Bangiga Adduunka(World Bank) iyo iyo hay’adda lacagta adduunka(IMF) ka hesho dayn ay ku horumariso kaabeyaasheeda horumarka, in ay si buuxda u hanato xuduudaheeda, in ay galaan gal u yeelato ururada dhaqaalaha iyo in ay heshiisyo ganacsi la gasho dalalka oo ay fursad u hesho suuqda. Sidaasi waa sida ay khubarashada shuruucda caalamiga ah ku talinayaan xilligan.

Sidee Aqoonsi Looga Heli Kara Dunida Xilligan?

Warbaahinta BBC-da ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii dhammaaday waxay falanqayn ka samaysay sida Dunida xilligan looga heli karo citiraaf waxaana ka qayb galay khubaro shuruucda caalamiga ah iyo xidhiidhka caalamiga ah ka dhigta jaamacado waaweyn kuwaas oo darsay sida dawladihii u dambeeyay ee dunida aqoonsi helay u heleen.

Rebecca Richards oo ka hadlaysay Somaliland waxay sheegtay in ay Somaliland leedahay wax kasta oo dal looga baahan yahay sharci ahaan iyo dhinacyada kaleba “Somaliland waxa ka jirta dawlad xooggan, waxa jira doorashooyin is daba joog ah, waa meel nabdoon oo xasillooni ka jirto, waxa ka socda horumar dhaqaale oo muhiim ah, waxay leedahay wax walba oo aad ka filayso in aad dal ku aragto,” Sidaas ayay tidhi Rebecca Richards oo xidhiidhka caalamiga ah ka dhigto Jaamacadda Keele.

Khubaradan sharciga caalamiga ah iyo cilaaqaadka caalamiga ah ku xeel dheer waxay ku sheegeen in ay is qaban la yihiin qodobka aayo ka tashiga oo ah xaq ay bulshooyinku leeyihiin iyo dhawrsanaanta xuduudaha oo ah qodob ay dalalku isku raacsan yihiin in aan la bedelin xuduudihii gumaysigu dhigay. Dalalka ayaa wada jirka dhuleed ee dalalka kale dhawraya.

Arrinta cajiibka ah ayaa noqonaysa in dalalkii u dambeeyay ee aqoonsi hela ahaayeen kuwo dagaal qadhaadh ku helay, islamarkaana dunidu soo kala dhex gashay markii ay dagaallameen dalalka ay ka go’ayeen waxaana tusaale loo soo qaata Kosovo, South Sudan iyo East Timor oo dhammaantood dagaal adag ku helay aqoonsiga. Waxa kale oo meesha ku jirta in aad taageero ka hesho dalalka quwadaha caalamka ah.

Somaliland iyo maamulka Soomaaliya ee Puntland ayaa bilihii u dambeeyay dagaallo dhexmareen waxaanay taasi keentay in ay beesha caalamku soo eegto xiisaddan cusub. Maraykanka, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay ayaa degdeg baaqyo uga soo saaray dagaalkii u dambeeyay ee labada dhinac taas oo u muuqata in ay xiisaddani timid ajandaha fagaareyaasha caalamiga ah oo khubarada qaarkood sheegeen in sababaha Somaliland indhaha looga laliya tahay ammaanka iyo xasarad la’aanta.

Dalalkan waaweyn iyo UN-ta ayaa ka digay in qaybahan ka nabdoona Geeska Afrika colaadoodu horseedo xaalad bani’aadanimo oo daran oo awalba gobolku la ciirciirayay waxaana suuro gal ah in arrimaha noocan ahi dedejiyaan wada hadalo dhab ah oo dhinacyadani ku baaqeen, islamarkaana laga baxo cagajiidka ku jira wada hadalo marar hore bilawday.

Comments

comments

SHARE