Somaliland: Cali-gurey Oo Soo Jeediyey In Wax Laga Beddelo Nidaamka Loogu Dabbaal-dego Munaasibadda 18-ka Meey

Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) ayaa ka hadlay Xuska 18-ka Meey ee Guddiga qaban-qaabadu u soo rartay in la xuso 15-ka bisha Meey, maaddaama oo ay ku begantay Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Cali-gurey oo qoraal arrintan ku saabsan ku baahiyey Facebook, ayaa soo jeediyey in Dabbaal-degyada Munaasibadda 18-ka Meey wax la laga beddelo, maaddaama oo nidaamka ah in Ciidammadu Maraan Jidka Wadnaha caasimaddu tahay wax laga bartay Dawladdii Maxamed Siyaad Barre. 

Cali-Guray ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidan “18ka May waa 18ka May lama bedelin lamana bedeli karo. Laakiin marka aan eego halka muranku ka jiro waxan u arkaa marka hore labada eray ee “ Dabaaldeg” iyo “Xus” in la fasiro. Marka aynu xus leenahay waa mubaasibad ay tahay inay ku beegnaato maalinta 18ka May waxaana ugu muhiimsan khudbadda Madaxwaynaha ee xuska maalinta 18ka may sanadguurada hadba ka soo wareegta. Khudbadda Madaxwaynaha ee xuska 18 May waa in ay tahay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo shalay, Maanta iyo beriba uu kaga hadlayo. Waxa jira dabaal-deg sida keliya ee aynu u naqaanaa ay tahay sidii la yeeli jiray 21ka Oktoobar cahdigii Siyaad Barre oo aan haba yaraatee wax laga beddelay aanay jirin inta badanna waxa lagu yaqaanay qaabkaa waddamada Hanti-wadaaga ahaa, kharash badanna kaga bixi jiray oo ciidamadu gaardiyaan hubkii marayo, dad iyo ururro bulsho oo la soo abaabulay maraan, Madaxwaynuhu goob joog yahay oo salaanta qaato oo aan sanado gaar ah ahayne sanad kastaba joogto u ah bay ahayd. Anigu waxaan qabaa in taa wax laga beddelo oo si inagu aynu leenahay oo danteena iyo duruufaheena ah u dhigno. Xataa haddii la marayo tirada dadka iyo qalabka maraya kol wax laga beddelo ama fagaarayaal dadku isugu soo baxo oo cayiman la sameeyo, qaab laga fakaray iyo barbaamij qorshaysanina jiro loo dhigo. Haa sanado gaar ah oo duruufo gaar ahi jiraan oo cududdaada in aad muujisaa ay qasab tahay oo duruufo qasbayaa ay jiraanna ma diidani inay jiri karaan sida ay maantaba mudan tahay.

Hadda ma filayo in go’aanka Guddida Qabanqaabadu yahay 18ka wax barnaamij ah oo jirayaa ma jiro ee xuskii 18ka may oo dhan waxa la qabanayaa 15ka May sababtuna waa bisha Ramadaan ee barakaysan awgeed. Haddii ay sidaa tahay sanadka dambe 18ka May waxa geli doontaa haddii Alleh yidhaahdo badhtamaha soonka eh halkay u rari doonaan may 1da May? Markaa ma filayo inay sababta guddidu ay tahay mid ku filan in dabaal-degii xuska ee subaxda 18 May loo raro 15ka May, haddii aanay jirin sababo kale oo ay tixgeliyeen. Tan kale 18 May waxa loo baahan yahay in loo yeelo qiime ka badan maalin loo dabaaldego oo qarankan dhan dhismihiisa ayay u taagan tahaye waa in midnimadiisa iyo horumarkiisa dadaal intan ka sii badan la geliyaa.

Aniga dabaaldeg aan ka qaybgalo kii iigu horeeyay ayaa iigu dambeeyay kaasina waan ku qasbanaa oo wuxuu ahaa markii aan ku jiray Dugsiga Tabobarka Xalane 1974kii. Mid ka horeeyay iyo mid ka dambeeyay xataa daawasho umaan tegin…”

Comments

comments