Somaliland: Xildhibaano Golaha Wakiiladda ka Difaacay Eedo Loo Jeediyay

Xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ka dhigay isla markaana beeniyay in golaha wakiiladdu lacag ku qaateen in ay hakiyaan mooshin laga keenay shirkadaha haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera gacanta ku haya.

Guddoomiyeyaasha guddi hoosaadyada dhaqaalaha iyo khayraadka ee Baarlamaanka Somaliland Cumar Axmed Saleebaan Cumar (Sanweyne) iyo Siciid Warsame Ismaaciil, ayaa arrintan ka hadlay, waxaanay sheegeen in go’aan gole hore uga yaallay arrintan, isla markaana iyada oo go’aan hore yaallo aanay sharci ahayn in isla arrintii laga keeno mooshin dambe.

Waxaanay intaa ku dareen in Xukuumaddu ay tallaabo qaadday oo ay la wareegtay shaybaadhkii shidaalka isla markaana ay ganaax lacageed ku ridday shirkaddii shidaalka wasakhaysan dalka soo geliysay.

Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan Cumar (Sanweyne) oo arrintaasi ka hadlayay ayaa yidhi “Bini aadamku maaha in uu sheego wax aanu hubin waana ceeb, mooshinkaasi in aanu socon gacanta ayaan u taagay, sababta aan ugu taagayna waxa weeye go’aan golaha wakiilada soo saaray oo in gacanta dawlada lagu soo celiyo haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera, markaa go’aan hore oo yaalay marka mid kale laga daba keeno ma is dabar baa. xukuumaddu markay doonto ayay go’aankaa dabiqi kartaa, waddankeenu waa dimuqraadi, laakiin in wax kasta layska sheego iyo in been nalaga sheego naguma banana.”

Sidoo kale Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil ayaa isaguna sheegay in mooshinkaa ay u diideen maadaama oo golaha wakiilada hore go’aan uga soo saareen in haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera laga wareejiyo shirkadaha gacanta ku haya, waxaana uu tilmaamay in xukuumadda talaabo ka qaaday shirkadihii dalka keenay shiidaalkii wasakhaysnaa, waxaana uu yidhi “Waxa aan ahaa xildhibaankii u horreeyay ee ka hadla markii arintaasu soo baxday, madaxweynaha iyo xukuumadduba tallaabo degdeg ah ayay ka qaadeen shirkadihii gacanta ku hayay maamulka haamaha kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera, waaana la ganaaxay cidii keentay shiidaalkii wasakhaysnaa, markaa xukuumadu shaqadeedii ayay qabsatay, waxaanan u diidnay mooshinkaa go’aan hore oo golaha wakiiladu soo saareen oo ahaa in gacanta dawladda lagu soo celiyo maamulka haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera ayaa jiray, waxaanan doonaynay in wax la saxo laakiin labo cisho gudahood ayaa wax lagu bedelay waxaanan taagannahay in go’aankii hore ee golaha wakiiladu ka soo saareen in laga wareejiyo shirkadaha maamulka haamaha kaydka shiidaalka, waanay bilowday xukuumaddu sixidii arintaas oo waa la waregeen laabkii lagu baadhayay shiidaalka”.

Comments

comments