Somaliland: Wasiirro Xadhiga ka Jaray Dhaamam laga Hirgaliyay Botor iyo Ilinta

Wasiiradda wasaaraddaha horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed, ayaa si wada jira xadhiga uga jaray mashaariic dhanka biyaha ah oo hay’adda Pharo Foundation ka hirgalisay deegaanada Botor iyo Ilinta oo dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Gabiley ee gobolka Gabiley.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wax badan uu ka tari doono baahidii bulshada deegaanku u qabtay inay biyo nadiifa helaan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha mudane Axmed Muumin Seed oo ka hadlay munaasibadii xadhiga lagaga jarayay mashaariicdan ayaa bulshada ugu baaqay inay aaminaan inay wax qabsan karaan waxna la soo bixi karaan waxaanu yidhi “Anagu ka wasaarad beero ahaan iyo biyo ahaan ba waxaanu dooneynaa inaanu iska kaashano, sidii loo qaban lahaa biyaha soconaya. dhaamkanina waxa uu anfaci doonaa bulshada ku nool deegaanka Ilinta oo baahi weyn u qabay inay helaan biyo nadiifa, goobtanina waa meeshi labaad ee aanu xadhiga ka jarnay oo ay fulisay hay’adda Pharo Foundation, imikana aynu joogno deegaanka Botor, xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay, mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu awooda saaray oo Jamhuuriyadda Somalilandna aad ugu baahneyd qaybta beeraha ee wax-soo-saarka iyo biyaha oo labadayada wasiir ba aanu ka socono, taasi ayaanu ka wasaaradd beero ahaana dhirigalinaynaa, dooneynaana inaynu isku filaanshiyo gaadhno, dhanka cuntadana waa in aynu aamino inaynu waxna qabsan karno waxna la soo bixi karno. bulshada deegaanadan ayaana looga tagi doonaa mashaariicdan, markaa waxaan u soo jeedinayaa inay ilaashadaan oo ay lexe jeclo gaara u yeeshaan, ka wasaaradd ahaan hay’addan xidhiidh wanaagsan ayaa naga dhaxeeya oo ilaa todoba boqol iyo konton beerood ayay moosas biyo qabatina u xidheen”

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isaguna goobtaasi hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay inuu wax badan ka tari doono baahidii bulshada deegaanku u qabeen helitaanka biyo nadiifa waxaanu yidhi “Mashruucani waxaa uu wax weyn u yahay dalka iyo dadka, waxaanu dan u yahay deegaanka gobolka Gabiley, waxaanu dangaara u sii yahay deegaanka Ilinta iyo nawaaxiga ku oodan, madaxweynaha qaranka Somaliland iyo xukuumaddiisuba waxaa ay isla qaateen in qorshe laga yeesho sidii loo qabanlahaa biyaha roobka ee sida macno-darada ah inoo dhaafaya, aad iyo aad ayaanu mar labaad ugu celinaynaa karaamo iyo sharaf ixtiraam iyo cisi mashaariicda ay deegaanadani ka hirgalisay hay’adda Pharo Foundation waa qaar bulshada taabanaya baahidii deegaanka waad ka jawaabteen waxaanu rajeynaynaa inaad baahiyo kale oo fara badan aad ka jawaabi doontaan, mashruucanina waxaa bulshada ugu deeqay hay’addan Pharo Foundation”

Comments

comments