Somaliland: “Waxa Aniga Ila Khaldan In Maalintii {18-May} Laga Guuro Oo La Yidhaahdo Maalin Kalaa Loo Dabaaldegayaa Oo Maalintii Loo Amaahday”

Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire) oo xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ee Xisbiga Kulmiye, ayaa dhalliilay in Xuska maalinta gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May la qaban jiray laga soo raray sannadkan oo loo soo raray 15-ka May in la qabto sida uu Madaxweyne Ku-xigeenku shaaciyey. Cabdilaahi Geel-jire waxa uu tusaalooyin badan usoo qaatay sida aan u habboonayn in xuska maalin qaran leeyahay in maalin kale laga dhigo, isla markaana soo qaatay siyaabo badan oo kale oo lagu xusi kari maalinta qaranimada ee Somaliland ee 18-may, isagoo ka hadlaya waxa hadaladiisa kamid ahaa;

“arrintan markay noqoto 15-ka may, waxaan leeyahay waa khalad. Waxa loo dabaaldegayaa waa maalinta ee waxa la muujinayaa maaha dabaaldega. Maalintuna waa maalin uune maalin kale maaha. Dabaaldega maalinta 18-may, haddii ay duruufo carqaladaynayaa ay jiraan, iska dayntiisa iyo ilaa iyo yarayntiisa inta u dhaxaysa, dee dhinac aad uga wareegto waad heli kartaa, laakiin maalinta maalin kale oo aad uga wareegtaa, aniga ilama habboona Haddii dhinaca Muslim-nimada laga eegayo ee Diinta iyo haddii laga eegayo xaga kale ee dunidaba, labadaba taariikhdu wixii habboon ee la samaysanayo, Rammadaan-na looma daynin Soom-na looma daynin oo tusaale ahaan Muslimiintii hore Ramadaan baabay dagaalamayasay oo dagaalkii Beder Ramadaan buu dhacay, innaguna Ramadaan baanu dagaalamaynay oo waddanka la xoraynayay, dee ramadaan wax looma daayo, macsidaa layska daayaaye, ee si kale oo Ramadaanta u qalanta noocyada dabaaldegu ama xusku way badan yihiin, markaa si Ramadaanta iyo cibaadadaba munaasib ku ah ayaa la samayn kari lahaa oon qabaa, hala joojiyo way dhaantaa maalin kale haloo raro.”

“doorkii dhaweyd tusaale ahaan waa kuwii abaaruhu innagu dhaceen, waynagii samaynay xus 18 May oo aynu u qaadhaamaynay dadka tabaalaysan oo sadaqo ayaynu ku xusnay. Waxaynu samayn karnaa lixda gobo lee dalka Madaxtooyooyinka ku yaal ayaa intaba Afur weyn lagu samayn karaa, wax ummaddan xusuusiya inay maalintii tahay, yey noqoninba ciyaar iyo tamashlayn e’ ee wax xusuusiya inay isu yimaadaan oo isu hilloobaan oo ay maalintani ka duwan tahay maalintii ka horreysay iyo ta ka dambaysa. Marka layidhaa 15-ka bisha ayaa loo soo raray oo Ramadaan ahayn, ilayn ramadaantu sanad walba bil uun kuma soo dhacdee, sanadka dambe markay 20-ka April ama 3-da May kusoo dhacdo, iyadoon maalin loo cararaaba jirin ayay imanaysaa Ramadaantu, ee markaasna maxaa la yeeli, wixii maalmahaa la yeeli doono dee imika hala yeelo. Waxa iigu daran uun in maalintii laga guuro oo maalintii la yidhaahdo maalin kalaa loo dabaaldegayaa oo loo amaahday, taas ayaa aniga ila khaldan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Geel-jire oo shalay magaaladda kula hadlay STAR TV.

Comments

comments