Somaliland: “Waxa Naga Go’an Kobcinta Wax soo saarka Xoolaha Beeraha iyo Kalluumaysiga”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay kobcinta ilaha dhaqaalaha ee dalka, iyo xoojinta wax-soo-saarka khayraadka Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Beeyada iyo Khayraadka kale ee dhulka hoostiisa ku duuggan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in xukuumadiisa ay kor u qaadayso isla markaana ahmiyad weyn siinnayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, sida Dekedaha, waddooyinka, iyo garoomada diyaaradaha, kuwaasi oo kaalin weyn ka qaata horumarka dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo isku xidhka bulshada.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidan ku sheegay, khudbaddii dastuuriga ahayd ee u jeediyay Baarlamaanka Somaliland, waxaanu si mug iyo miisaan leh u sharraxay qorshaha iyo siyaasadda uu ku wajahayo horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo kobcinta wax-soo-saarka khayraadka dalka, waxaanu yidhi “Marka aynu ka hadlayno wax-qabad iyo horumar, waxa saldhig u ah dhaqaale. Dalna ma dhismi karo dhaqaale la’aan. Sidaa awgeed, waxa naga go’an kobcinta ilaha dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka (Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Beeyada iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan).

Xukuumaddeenu waxay ka shaqaynaysaa dhiirigelinta maalgashiga gudaha iyo dibedda. Anagoo u aragna inuu maalgashigu wax weyn ka tari-doono korodhka dakhliga, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada, Waxaannu abuurnay Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu soo bandhigay qorshaha xukuumaddiisa ee la xidhiidha horumarinta nidaamka cashuuraha iyo ilaalinta ilaha dakhliga dalka, waxaanu yidhi “Waxaannu bilaabaynaa nidaamka cashuuraha iyo ilaalinta ilaha dakhliga dalka mid dad-ban iyo mid toos ahba, annagoo talaabooyinkii u horreeyeyna qaadnay.

Waxaannu xoojineynaa nidaamka dakhli ururinta. waxaannu dagaal adag la-galaynaa musuq-maasuqa noocuu yahayba.”

Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sharraxay Miisaaniyadda qaranka ee sannadkan 2018-ka oo boqolkiiba afar iyo soddon loo qoondeeyay horumarinta dalka, waxaanu yidhi “Waxaannu diyaariney Miisaaniyadda sannadka 2018, oo ku salaysan Nidaamka Maamulka Dakhliga Dawladda (Public Financial Management System).

Miisaaniyadda 34% waxaannu u qoondaynay horumarinta dalka. Waxaannu xoojinaynaa awoodda Baanka Dhexe ee Dalka. Adduunka dal walba waxa maamula lacagta dalka Baanka Dhexe. Baanka Dhexe waxa uu masuul ka yahay sarifka lacagaha qalaad, wuxuu ilaaliyaa dhaqaalaha guud ee dalka, wuxuu ogolaadaa dhismaha baananka gaarka ah iyo kuwa dawladda ee qaabilsan dhinacyada ganacsiga, amaahda, iyo horumarka.”

“Cashuurtu waa laf-dhabarta dawladnimada. Sidaa darteed, waxa waajib ah in ay bixiso cid kasta oo ay cashuuri ku waajibtay. Si aynu awood ugu yeelano in dakhliga iyo baahida dalku isu daboolaan, waa in la helo cashuur dhammaystiran. waxaannu ka dagaalamaynaa in la musuqo iyo in looga faa’iideysto dano gaar ah cashuurta dalka. Waa hawl adag oo u baahan dagaal qadhaadh iyo iskaashi,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay qiimo dhaca shilinka Somaliland iyo qaabka ay xukuumaddiisu wax uga qabanayso, waxaanu yidhi “ Qiima-dhaca Shilinka Somaliland waxa uu culays wayn ku hayaa bulshada, gaar ahaan dadka dan-yarta ah. Sidaa darteed, waxaan u magacaabay Guddi gaar ah xal u helista arrintan. Kadib markay la tashadeen aqoon yahan fara-badan, waxay soo saareen go’aammo aannu u aragney inay wax ka bedeli doonaan qiima-dhaca Shillinka. Inta badan hawlaha culus ee la bilaabo, waxa ka soo baxa qodobbo lama filaan ah. Fulintii hawshaa waxa ka soo baxay ruxan sarrifka suuqa ah. Waxaan aad ugu mahad-naqayaa shirkadaha suuqa sarrifka ku jira oo dhammantood si waddaniyad leh hawshaa noogu garab galay. Waxay naga qaateen qodobbo aad ugu adkaa, waxayse ku aqbaleen danta guud ee dalkooda.”

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu soo bandhigay qorshaha xukuumadda Somaliland ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, ganacsiga iyo isku xidhka bulshada, waxaanu yidhi “Dekedaha, Waddooyinka, iyo Garoomada diyaaraduhu waxay ahmiyad weyn u leeyihiin horumarka dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo isku xidhka bulshada. Sidaa darteed, waxa noo qorshaysan in aanu dhamaystirno jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo hadda toban kiloomitir oo ka mid ah la dhigay daamurkii. Jidkaasi wuxuu qiime weyn ugu fadhiyaa Qaranka.”

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay muddadii ay xukuumadiisu jirtay dayac-tir lagu sameeyay qaar ka mid ah waddooyinka dalka iyo bilawga, waddo ganacsiyeedka isku xidha Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor), waxaanu yidhi “Waxa kale oo muddadii koobneyd ee xukunka dalka aan hayey la-dayactirey 60 kiloomitir oo ka mid ah jidka isku xidha, Halleeya iyo Dacar-budhuq.

Waxa kale oo noo qorshaysan in aannu sannadkan gudihiisa bilowno jidka ganacsiga ee isku xidha Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor), kaas oo fududayn doona inay Somaliland qayb ka noqoto dhaqaalaha iyo is-dhexgalka bulsho ee Gobolka Geeska Afrika.”

Comments

comments

SHARE