Somaliland: Prof Samatar oo ka Hadlay Faa’iidada Heshiiska DP-WORLD iyo Kala Duwannaanta Somaliland iyo Soomaaliya

Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si faah faahsan uga hadlay faa’iidooyinka ugu jira Jamhuuriyadda Somaliladn heshiiska sadex geesoodka ah ee ay Xukuumaddu la gashay Dawladda Federaalka Itoobiya iyo shirkadda DP-WORLD .

Axmed waxa kale oo uu ka hadlay farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo siday u kala tageen ee ay u yihiin laba aan la isku qaldi karin, waxa kale oo uu intaaku daray in Somaliland iyo Soomaaliya haddii ay isasoo hor fadhiistaan oo si dhab ah loo wada hadlo in Somaliland ay ka gar helayso Soomaaliya, laakiin ay Soomaaliya diidan tahay in wada hadal xaqiiqada ku dhisan in la isugu yimaado oo caalamkuna goob joog iyo markhaati cad ka noqdo.

Waxaanu meesha ka saaray in heshiiska Somaliland ay Itoobiya iyo DP-WORLD la gashay inuu saamayn ku yeelan karo xidhiidhka dalalka Jabuuti iyo Somaliland ama Jabuuti iyo Itoobiya.

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo lagu waraystay Universal Tv, ayaa isagoo ka hadlayay kala duwanaanta Somaliland iyo Soomaaliya iyo siday u kala fog yihiin waxaa uu yidhi. “Somaliland mooshinbaa la keenayaa maqli meysid waana sida loo kala xalaaleysan yahay laakiin waa laga maqli karaa codadka noocaas ah ayaa leysku heystaa amase dawladda ayaa keentay in xeerka noocaas ah amase qodobka noocaasa wax laga badelo, hase ahaate Somaliland ka maqli maysid xafiiska afhayeenka golaha wakiilada ama xafiiska madaxweynaha ama ka ku xigeenka ayaa leysku hayaa mar hadii doorasho dhacdo Somaliland ka maqli meysid, waana nasiib daro Soomaaliya waxa ka soo baxaya dantii weyneyd ee wadanka oo laga doodayo maaha , ee waxaa inta badan leysku qabtaa inay tahay kursigan anigaa leh iyo aniga leh, oo madaxweynaha amase raysal-wasaaraha ayaa miino igu soo tuuray labadaasi siyaasadoodna sidaasi ayay u kala wanaagsan yihiin una kala tageen aniguna waan ka filayay Soomaaliya arrimaha ceynkaasa waana waxaan siyaasadeeda ku nacay laakiin Somaliland doodaheedu mar hadii doorasho la galo doorashadaasina ay xalaal tahay waxaa laga dooda waxaa weeye oo kaliya mashaariicaha iyo ummaddu siday u soconeyso hase ahaate xafiiska qofka fadhiyaa haddaanu danbi cusub galin waa xalaal ummaduna way ogoshahay sidaasi ayay u kala duwan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya siyaasadoodu, doodaha aanu adduunyada keenayna kuwaas ayaa ka mid ah oo si dhab ah looga wada doodi doono, arrinta ku saabsan xaqa Somaliland inay tahay waddan calan gooniya leh distoor gooniya leh muwaadiniin gooniya leh.Madaxweynaha Somaliland gees ilaa gees dadkeedii ayaa cod bixiyay, oo doorasho la tartamay ku doortay laakiin Soomaaliya inta leysu keenay reero yaryar ayaa lagu yidhi waxbaad tihiin halka Somalilan qof waliba codkiisa isaga oo aammin ah ayuu dhiibtay waana lagu kala tegay oo dawlad xalaal ah ayaa Somaliland u dhalatay ta Muqdishana wali waa lagu murmayaa waa leysku heystaa Farmaajo iyo Kheyre maalinta ay yidhaahan anaga ayaa Somaliland xukuna waa u bilaash mana jirto cid u soo joogsaneysaa Somalilandna Soomaaliya 27 sano ayay ka maqan tahay markaa khasaaraha u weyni waxaa weeye dadka leh waxaanu u talina Muqdisho illaa maanta lagama hayo rayi cusub oo ummada iyo adduunyadu u soo joogsato, markaa markay Somaliland wax qabsato ayay isla soo taagaan mayee yaanay waxba qabsan anaga ayaa u taline taasina waa xaasidnimo”

Pror: Samatar oo ka hadlayay faa’iidooyinka heshiiska sadex geesoodka ah iyo waxtarka uu u leeyahay Somaliland,ayaa yidhi. “Waabu hirgalay oo waa uu socdaa, marka aad wadan ka taliso ee ilaa Lawyacado, Ceerigaabo, Kismaayo,Ceeleeyo iyo Boosaaso aad ka taliso, oo xukuumadaadu fadhido oo badhasaabkii iyo maayarkii iyo askartii iyo qawaaniintii ay taagan tahay, siday ahaan jiray ilaa 1991-kii markay Somaliland baxday taasi haddii ay jirto waxa la odhan kari lahaa waa wax dadka qancinaaya, taasi ma jirto oo dawlada Xamar ka talisaa ma jirto meel kale oo ay ka taliso oo aan ahayn Xamar iyo hareeraheeda oo laysku haysto, aduunyadu inay wali ku dhagsantahay wadajirkii soomaalidu 1960-kii, dheecaankeedii iyo marinkeedii waa uu sii socdaa, laakiin runta dhulka taalaa ee qof waliba uu soo taaban karo, dawlad cusub ayaa Somaliland ka dhalatay oo u gooni ah 1991-dii, arinta taagani waxa weeye ma aha Somaliya ma aqoonsantahay Somaliland, waxa taagan waa sidee ay Somaliland uga iibinaysaa gobanimadeedaas ay dib u soo ceshatay aduunyada inteeda kale, taasi waa arin weyn oo u taalla karti Somaliland inay adduunka ka iibiso gobanimada ay la soo noqotay.”

Prof.Axmed Ismaacil Samatar oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray”Annagu haddii aanu nahay dadka reer Somaliland ujeedadayada ugu weyni waxa weeye dalkayagii oo gobanimadiisii la soo noqday in badhaadhe, dhaqaale,waxbarasho,caafimaad iyo siyaasada dibadaba inaan ka shaqayno, arrinta dhaqaalaha marka aad eegto cidna kuma murmayso inay Berberi tahay magaalo iyo furdad ku taalla Somaliland oo dadka Somaliland iyo dawladeedu ay leeyihiin, waxa laga doodayaa waxa weeye baayac-mushtarka ka soo baxaya Berbera ama dekeda la balaadhinayo ama goobo dhaqaale oo laga ag furo hanoqotee in ganacsigaas la abuurayaa uu noqdo mid khayr u keena Somaliland, Somaliland maanta awood uma laha inay keento malaayiin doolar si ay fursadaas dekeda u keento markaa reer Somaliland waxay garteen inay adduunyada isku keenaan dhaqaale la galiyo oo halkaa ay wax ka soo saarto, UAE kambaniga fadhiya ee DP World la yidhaahdo xoolo badan ayay leeyihiin, waxaanay la yimaadeen inay dhaqaale badan halkan(Somaliland) galiyaan taas oo awood u siisay inay 51% qaataan,inay Somaliland 30% qaadato, Itoobiyana 19 la siiyo. Su’aashu waxa weeye Somaliland maxaa ka soo gelaya, waxa ka soo gelaya waxa weeye Itoobiya haddaad daristo dhaqaalaha ay dunida la leedahay, waxay adduunyada u dhoofiso iyo waxay ka soo dhoofiso waxa lagu qiyaasay inay tahay ugu yaraan 19 bilyan oo doolar, mar hadday Itoobiya tahay dal xidhan oo aan bad lahayn waa inay heshaa meel ay xoolahaas ka dirto oo ay ka soo dejisato Somaliland hadday dekedeedii sidaas u hagaajisato, maanta Itoobiya waxa ka taga ee Berbera tagaa waa wax aan 2% ka badnayn, waxaad xisaabisaa haddii wadadaas si wanaagsan loo dhiso dekediina la ballaadhiyo oo dad badan ay shaqo ka helaan oo kaas 20% la gaadhsiiyo waa bilyanis doolar, annagu waxaanu ka fikiraynaa dhaqaale ahaan waxa halkaas ka soo gelaya dadkii wadankiina adiga ayaa leh oo ma guurayo.”

Prof. Axmed Samatar oo ka hadlaaya dhaqaalaha Itoobiya iyo inuu ku filan yahay Somaliland iyo Jabuutiba waxa uu yidhi”Itoobiya dhaqaalaheedu waa ka ugu korriinka badan Afrika oo dhan,10% kiiba inuu sanadkii ku kordho dhaqaalaha Itoobiya ayaa laga hadlayaa waxay u baahan tahay dhul kale oo ay xoolaheeda ka dirto, haddii jabuuti lagu daayo kuma filnaan karto oo boqol milyan oo qof ayaa ku nool dhaqaalaheeduna waa ka Afrika ugu koboca sarreeya waxayna u baahan tahay meelo kale,waana ay dhici kartaa in ay Jabuuti is fahan la’aani ka dhacdo, aniguse waxaan ku kalsoonahay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil inay labaduba karti u leeyihiin maskaxdooduna fayowdahay oo ay awoodaan inay iska ilaaliyaan labada dal in aanay isku dhicin, waana laba dal oo aad iyo aad isku dhex galay oo dadkoodu ay isku mid yihiin oo neeftooda iyo dhididkoodu uu is ogol yahay, ma filayo haddii ay dhibaato timaado in aan degdeg wax lagaga qaban karin.”

Prof. Axmed waxa uu intaasi ku daray in aan Somaliland cid ku qasbi karta wax aanay doonaynin in aanay jirin oo haddii uu caalamka oo dhami isku tago in aan la qasbi karin Somaliland. “Somaliland adduunyada oo dhami haddii ay isugu tagto ma ku qasbi karto wax aanay ka raali ahayn, Soomaaliya haddii ay hayso dood Somaliland ha soo horfadhiisato iyada oo adduunka oo dhami uu wada arkayo, anigu waxaan qabaa in maalinta ay doodaasi si dhab ah u timaado in Somaliland ay ku adkaanayso”

Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay siduu u arko guushii xisbiga KULMIYE ka gaadhay doorashadii Madaxtooyada iyo sababta uu xilalka Xukuumadda uga dhex muuqan waayay “Anigu mabsuud ayaan ku ahey in xisbiga aan ka tirsanay doorashadiisa in aan ka qayb-galo, inaan wax ku soo biiriyayna mabsuud ayaan ku ahey sharaf weyn ayay ii aheyd dawladda ee la dhisayna qaabka loo dhisayo in la hagaajiyo ragii ku jiray qayb ayaan ka ahaa, markaa anigu Somaliland umaan tegin inaan ka qabto jago wasiir iyo wax la mida midnaba, hadii layla yimaado inaan masuulnimo Somaliland ka qabto waxaa ay ku xidhan tahay sidaan halkan uga ambabaxo iyo shuruudaha ku xidhan masuuliyada ley dhiibayo ileyn shuruudo ayaan wataaye”

Comments

comments

SHARE