Somaliland: Xukuumadda Somaliland oo ku Dhawaqaaday Bilawga Qorshaha Wax-soo-saarka Beeraha Amarna ka soo Saartay Siidhadhka Dibeda Laga Keeno

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

ka meel walba siidh ayaa innaga soo gala, arrintaana waxa aan ka soo saarnay qoraal, waxaa shaqaynaya siidhka soo mara wasaaradda horumarinta beeraha oo uu shaybaadhkii lagu baadhi lahaa yaalo oo illaa la baadho aan loo qaybin karin deegaanada Somaliland, Burco waxa aanu ku soo qabanay siidh uu ciidanku naga gacan siiyey markii ay baadheen khubarrada Wasaaraddu intii saxda ahayd waanu sii daynay intii kalena waanu qabanay” ayuu yidhi.

Wasiirka oo ka hadlayay nuxurka iyo qodobada ay ka wada hadleen Madaxa hay’adda FOA u qaabilsan Somaliland, Mr. Daniele Donati iyo saraakiil kale oo socdaal shaqo ku yimi Somaliland, ayaa yidhi Waxa uu u yimi in aannu tusno mashaariicdii hore ee ay Somaliland ka fuliyeen meelaha ay wax ka qabteen iyo sidii loo kordhin lahaa hawlaha horumarinta beeraha , waxa aanu isla garanay in aannu u saarno kooxo farsamo oo labadayada dhinac ah (FOA iyo Wasaaradda beeraha) si aanu uga wada xaajoono arrimaha deg-dega ah ee aanu u baahanahay in ay wax nagala qabtaan oo ay ka mid tahay sidii biyaha socda loo qaban lahaa, sidii wax soo saarka loo kordhin lahaa , sida oo kale waxa aanu kala hadalnay in Mashaaricda aanay kor nagaga keenin laakiin muhiimadda annaga nala siiyo oo aanu la wadaagno, madaama aanu garanayno baahida muhiimka ah.”

Waxaa kaloo uu ka hadlay Wasiir Seed sida ay wasaarad ahaan u illaalinayaan xilliga beerlayada Somaliland uu dalagu u soo go’o in ay suuq u helaan isla markaana uga xakamaynayaan raashimada kaalmada ah ee Hay’aduhu dibedda ka keenaan oo suuq xumaad badan ku haya dalagga beeralayda u soo go’a.“ Raashinka caawimada ah ee imanayay marka ay dadku dalagga la soo baxaan waxa aanu ka yeelanaynaa siyaasad oo arrinta hoos ayaanu u eegaynaa , waxa weeye marka ay baahi jirto in ay inoo qabtaan waxa ay qaban karaan, balse marka uu dalaggeenu soo go’o waa in dadkeenu suuq u helaan oo ay u iib geeyan.”

Comments

comments

SHARE