Somaliland: Somaaliya Oo ku Dhacday Godkii ay u Qodday Somaliland

Waxaa ay ahayd 12/03/2018, kulankii 1aad, kalfadhigii 3aad ee Golaha Shacabka Somaaliya, markii xildhibaannadu ansaxiyeen xeer lagu sheegay in uu dhowraya Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Somaaliya. Xeerku, sida ay moodayeen, waxaa uu burinayay heshiis ay, isla toddobaadkaa, magaalada Dubay, ku wada galeen Somaaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World ee dalka Imaaraatka. Xubnaha Barlamaanku waxaa ay u malaynayeen in ay ka arrimiyaan dalka madaxa-bannaan ee Jamhuuriyadda Somaaliland. Nin anbaday halkuu aaday way u la ekoonaatay. Sidaa awgeed, waxaa ay ku tiiqtiiqsadeen xukuumadda Xamar oo keliya in ay geli karto waxii heshiis caalami ah ee adduunku la gelayo Somaaliya. Xeerka oo uu ansaxiyay Aqalka Sare ee Xeerdejinta Somaaliya. waxaa uu dalka ka mamnuucay shirkadda “DP world”. Hase yeeshee, lagu ma xusan “Itoobiya” iyo “Imaaraatka” midna.

Haddaba, sida ka muuqata, ujeedada xeerku waxaa ay ahayd in Jamhuuriyadda Somaaliland la iska hortaago horumarka ka socda iyo in la dhabar furo hanka iyo higsigeeda. Hase yeeshee, arrinku u ma uu fulin sidii loo qorsheeyay. Magacaa ba’ iyo Muuq-disho caloosheeda ayay qaawisay. Se, durbaba, iyada ayaa gundhada u fadhiisatay godkii ay u qodday walaal la jeclaa in ay ka korto ismoodsiiska, garaad-xumada, iyo colaadda ay caadaysatay; walaal, hore u jeed ah oo inkastoo aannu ilaabin utuntiisii, haddana, cafiyay hagardaamadii loo quudhay; iyo walaal u maqan balse aan ku maqnayn.

Sida uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, go’aamada Xamar waxaa ay soo kiciyeen ladhkii iyo doogtii shacabka Somaaliland ay dhayayeen tobanaan sannadood. Waxaana muuqday naca iyo nacaybka ay u qabto Xamar. Waxaase ka soo soke maray, Allah, hufnaa oo korray, in aanu gacanta Xamar gelin awooddii ay ku fulin lahaayeen dhagartooda.

Runtii, Xeerdejinta Somaaliya waxaa ay mooggan tahay, in ay ku fashilmeen xeerar faro badan oo ka soo fulay golayaasheed, sida: 1. Xeer ay ciidamada Kenya kaga mamnuuceen in ay ka hawl-galaan Somaaliya kuwaasoo weli ku sii sugan. 2. Waxaa iyana jabay xeer ay dawladaha deriska Kenya, Itoobya iyo Jabuuti iskaga hortaageen in ay ka mid noqdaan hawlgalka ciidamada caalamka ee Xamar. 3. Waxaa aan fulin xeer ay 2013 maamulka Gegeda Dayuuradaha iyo Dekedda Xamar kaga mamnuucayeen Shirkadda Favori LLC ee laga leeyahay Turkiga. 4. Waxaa isna aan taabba-gelin xeer ay ku xaaraantimeeyeen barlamaankii cusbaa ee Jubbaland iyagoo amaray in la kala diro. 5. Waxaa, sidoo kale, aan meelmarin xeer ay ciidamada Itoobiya kaga saarayeen Somaaliya. 6. Waxaa kaloo aan suurta-gelin xeer ay ku burinayeen heshiis xukuumaddaha Somaaliya iyo Kenya ka wada galeen Badweyta Somaaliya, kasoo hadda dacwadiisu ka socoto maxkamadda Adduunka ee Hague, Holland.

Haddaba, waxaa isweydiin mudan goorta barlamaanka Somaaliya uu garawsan doono inta uu dhan yahay muggiisa iyo awooddiisu si aanay, mar tobnaad iyo labaatanaad, maradu uga dhacin. Isla markaa, miyaanay habboonayn barlamaanku in uu ku foognaado xal u helidda dabka ka ooggan gudahiisa?

Tallaabadii ay ku degdegeen toddobaadkii hore, waxaa ay dhaxalsiisay maalmo kooban ka dib, bartii lagu dhagrayay Somaaliland in ay la wareegaan ciidamo gaar ah oo ka amar qaata Ra’iisal Wasaaraha Xamar, Khayre, iyagoo kaashanayay ciidamada Ugandha ee ka tirsan hawlgalka Afrika, AMISOM. Waxaa xusid mudan, isla markiiba, af laba daan inuu yeedhay Guddoomiyahii Barlamaanka, Jawaari, isagoo Khayre ku eedeeyay inqilaab lagu afgembinayo Dawladdii Xamar. Xarunta waxaa laga dareeriyay ciidan daacadda u ahaa Jawaari, halkoodiina waxaa lagu wareejiyay ciidamo u dhego dawan Khayre.

Guddoomiye Jawaari ayaa weerarka lagu soo qaaday ku sheegay mid lagu burburinayo hannaanka dawladnimo ee hadda uun madaxa la soo kacay. “Weerarku ma aha mid aniga, shakhsi ahaan, la igu bartilmaamsaday, balse, waxaa xukuumaddu ku burburinaysaa hannaanka dawladnimo sidii hore uga dhacday dawladihii hore,” ayuu ku tiraabay Jawaari. Waxaana uu ku ladhay, “xildhibaannada waxaa aan uga digayaa in uu arrinku ha hoos baxo. Ogaada, keligay looma dan laha”.

Xiisadda siyaasadeed ee ka alloosan Xamar ayaa lagu sheegay mid ugub ah iyadoo hore aan loo arkin Ra’iisal Wasaaare eryanaya shir-guddoonka Barlamaanka, balse, Somaaliya, waxaa hore looga bartay Madaxweyne iyo Barlamaan si wadajir ah uga takhalusaya Ra’iisal Wasaare.

Durba, waxaa la sheegay in uu buray mooshinkii xilka lagaga rifayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Jawaari, ka dib markii ay ka noqdeen 16 xildhibaan oo ka mid ahaa kuwii soo falkiyay. Hase yeeshee, Guddoomiye ku Xigeenkii Golaha shacabka, Muuday, ayaa ku adkaystay in uu moshinku sharci yahay taasoo ugu danbayntii uu u soo liicay Guddoomiye Jawaari isagoo hadda oggolaaday in si degdeg ah loogu codeeyo si dalka looga saaro walaahowga iyo muranka sii ragaadinaya.

Dhinaca kale, waxaa dhufays ku soo jira mooshin aad u xooggan kasoo xilka lagaga xayuubinayo Ra’iisal Wasaaraha Xamar. Run ahaantii, Khayre waxaa uu ka gilgilanayaa duufaanka iyo daadka kaga soo rogmanaya barlamaanka dhexdiisa. Sidaa daraadeed, waxaa uu go’aansaday inuu gacan bir ah ku qabto xarunta barlaamaanka si uu isaga caabbiyo mooshinka lidka ku ah.

Jananka Booliska iyo Wasiiru Dowlaha Amniga, Xasan Macalin, iyagoo si wadajir ah u taageeraya Khayre, waxaa ay sheegeen amarkooda in uu ciidanku kula wareegay golaha barlamaanka si loo sugo nabadgelyada goobtaas oo ay ka taagan tahay xiisad aad u ba’an. Hase ahaatee, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa boggiisa Facebook ku eedeeyay Ra’iisal Wasaare Khayre isagoo caddeeyay Khayre in uu ku gacan saydhay in uu joojiyo ciidaamada uu ku sii daadguraynayay xarunta barlamaanka iyo inuu u badheedhay inuu dalka dib ugu celiyo xasarad iyo colaad hor leh. Wasiirka ayaa noqonaya qofkii ugu horreeyay golaha xukuumadda oo ka xadhig furta Ra’iisal Wasaarahiisii.

Arrinka ayaa faraha ka sii baxaya, taasoo haddii aan si dhakhso ah loo soo daba qaban, dawladda Xamar, geyaysiin doona, in ay afka dhulka darto. Sidaa awgeed, waxaa u soo gurmaday bulshada caalamka oo uga digtay in ay dib ugu dhacaan godkii laga soo badbaadiyay. Hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur Goboleedka Geeska Afrika (IGAD), iyo gaar ahaan dalalka Itoobiya, Talyaaniga, Iswidhan, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa qiray in ay si weyn uga walaacsan yahiin, mar kale, in ay Somaaliya ku sii hoobato godkii madoobaa ee ay dhex jiiftay tobanaanka sannadood. Bulshada caalamku ayaa ku adkaysay Xukuumadda iyo Xeerdejinta in ay muranka ku soo dabbaalaan wada hadal, xasillooni iyo sifo sharci ah. “Muranku haddii uu sii fogaado, waxaa uu horseedayaa burbur aan laga soo waaqsan karayn,” ayaa bulshada caalamku ugu tiraabtay.

Dhab miyaa Ra’iisal Wasaare Khayre inuu ka dhiidhiyay go’aankii xeerdejinta isagoo, sida uu biniixiyay Guddoomiye Jawaari, u adeegaya DP World iyo Somaliland? Khayre miyaanu ahayn, kii ugu horreeyay ee duray heshiiskii Berbera? Farmaajo maxuu ugu dabbal-juglaynayaa isagoo diidan dhex ama in uu dhan u ciiro? Warcelinta weydiimahaas ka la socoo Qaybta 2aad, “Halkee Caga Dhigan Dontaa Siyaasadda Dayeysan ee Xamar?”

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassan.horri@gmail.com ama ku tixraac Twitterka @horrimania.

Comments

comments

SHARE