Somaliland: Dadweynaha Reer Boorama oo Sida Fiinta uga Qayliyey Sarrifka Lacagta Taleefanka ee Telesom Bilawday

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa sida Fiinta uga qayliyey Lacagta Taleefanka dhexdiisa lagu kala sarrifayo ama lagu kala beddelanayo ee Doollarka iyo Shilinka Somaliland ee ay bilawday Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM.

Adeeggankan in lacagta Taleefannada lagu sarrifo, ayey bilawday Shirkaddu markii dawladdu go’aamisay in Boqol Doollar wax ka yar la isugu diri karin Taleefannada gacanta ee Shirkadaha is-gaadhsiinta, iyada oo Guddiga dawladda arrintan uga xil-saaranina sheegay inaan la oggolayn in Taleefannada lagu dhex-sarrifo Lacagta Somaliland iyo Doollarka, balse Shirkadaha qaar umay joojin ee way ku shaqeeyaan adeeggaas.

Comments

comments

SHARE