” Farmaajoow jarmaadaye markaad jarre gabtee ciirto ” W/Q Axmed Nuur Guruje

” Farmaajoow jarmaadaye markaad jarre gabtee ciirto ” .

Farmaajoow jarmaadaye markaad jarre gabtee ciirto ,

Jiiraha markaad mool gashee lagugu jookeeyo ,

Jidka xidhan markaad joogsatiyo jiirta lagga hoobto ,

Anigaa jifaafee tolkay ima jilaafayn dheh ,

Juqa juqe Isaaq iguma dayin jeedal iyo xoog dheh ,

Anaa joogsan waayee fardaha la ima jiidhsiin dheh ,

Jaariga anaa keenay iyo jariyo laan dayr dheh ,

Jebba dirirta goortii la yidhi , ciiray oo jabay dheh ,

Sidda jaali hii horre tashigu igu jikraarnaa dheh ,

Halkii jananku eedaan mariyo juubihii maray dheh ,

Bawdada sidduu uga jabaan , budulka jiifaa dheh ,

Jaleecada siddii baan cabsidda jiidh damqanayaa dheh ,

Jahaddii adoowgay maraan laacay jarihii dheh ,

Dhaaxaan jalaadaye nafsigu jiiday boqontay dheh ,

Waxaan jalabuteeyaba xarago la igu jeestee dheh ,

Dulmigii jabyoo waxa ku dhacay jac iyo baaruud dheh ,

Abidkiiba waa laggu jebshaa jilib dhig duulaan dheh ,

Ana jamashadaydii luntoo jeestay oo dhacay dheh ,

Jirjirkaan u aallaa miyaan joogsan karayaa dheh .

Comments

comments

SHARE