Somaliland: Guddiga Xallinta Sicir-bararka Somaliland Oo Go’aamo Soo Saaray, Una Digay Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Kuwa Sarrifka Lacagaha

Guddiga Xallinta Sicir-bararka iyo Kor-u-qaadista Qiimaha Lacagta Somaliland, ayaa go’aanno soo saaray, isla markaana u digay Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ka hawlgala, kuwaas oo ay u soo jeediyeen inaanay Lacagta ku sarrifin Taleefannadooda adeegyada ZAAD IYO EDAHAB ee Shirkadda Telesom iyo Somtel oo ay sheegeen inay joojinayaan 13-ka bishan in boqol doollar wax ka yar la isugu diri karo taleefannada gacanta. Wasiirka ganacsiga oo ay weheliyeen xubnaha kale ee golaha wasiirrada iyo hay’adaha dawladda ee gudidan kamidka ah oo shalay warbaahinta la hadlay waxaa  uu halkaasi ka akhriyey go’aamo hor leh oo ku saabsan arrintan kuwaas oo khuseeya shirkadaha isgaadhsiinta iyo bulshada somaliland.

Comments

comments

SHARE