Qiiso Murugo Badan Oo Ka Dhacday Magaalada Hargeysa Gabdh Isku Diyaarinaysay Arooskeedi Oo Aja La Dhaafiyey

Qiiso Murugo Badan Oo Ka Dhacday Magaalada Hargeysa Gabdh Isku Diyaarinaysay Arooskeedi Oo Aja La Dhaafiyey

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa baadhaya kiis dil ah oo
shalay ka dhacay xaafada 150-ka ee magaalada Hargeysa , taas oo aheyd gabadh doonanayd oo diyaar garow ugu jirtay aqal galkeeda .

Wararka aanu helnay waxaa ay sheegayaan in dilkan loo qabtey oo lagu eedeyey wiil ay ehel yahiin

“Waxaan wax yar ka hor maqlay qeylo ka yeedhaysa xaafad iga soo hor jeeda , waan baxay si aan u ogaado waxa dhacay , gudaha ayaan guriga u galay , waxan la kulmay xaliimo oo aheyd inan maalin walba aanu is arragno mudo dheerna aanu jaar aheyn oo gawracan ” sidaas waxaa xidhiidhka bulshada ee Facebook ku baahisay Hibo Cali Xaaji Raabi waxaana ay intaas ku dartey .

“Xaliimo waxaa ay aheyd aroosad lagu hawlanaa xeedhooyinkeeda shalay-na waxaa ay soo eegatey qalabkii gurigeeda ( Furniture ) ” ayey tidhi hibo .

Xogaha Shabakada Warganei helay qaarkood waxaa ay sheegayaan in ciidamada amaanku ay ku guuleysteen inay qabteen eedeysanaha oo la sheegay in ay Inaabti yahiin .

Sida ay Bahda Shabakada Wargane soo Xaqiijinayso aya waxa la sheegay inay Qiiso Jecel ka Dhaxaysay Wiilka Iyo Gabadha Ilmaabtiga Ah

Wax faah faahin ah lagama bixin dilkan sida uu u dhacay iyo sababta midna , gabadhan ayaa sida aanu hor u soo sheegnay u mehersaneed wiil kale oo la sheegay in isaga laftiisa ay Inaabti yahiin , kaas oo dalka dibadiisa ku maqan lana filaayey in uu dalka dhawaan imaado si uu u aroostogabadha u mehersaneed

Comments

comments

SHARE