” Kaftanka maanta , ha go’doomin keligaa ” W/Q Axmed Nuur Guruje

” Kaftanka maanta , ha go’doomin keligaa ” .

Gar cadaawe iyo dood
Hadii geedka loo baxo

Ama gole xifaaliyo
kaftan gaari uu jirro ,

Raggu gawda hadalkiyo ,
kama tudho gantaalkoo ,

Weligii gol-jilicdiyo ,
Rubaduu is gooyaa ,

Misna gocosho iyo ciil ,
kuma goysto taladdee .

Geeshku wuu tartamayaa ,
Ciyaar baa la geleyaa ,
Galab noolba joogtoo ,
Guushu gelin baa waa dhane ,

Ninka Guluf cadaawiyo ,
Godob dheesha moodee ,
Fiiro gaara yeeshoow ,
Ha godoomin keligaa .

Comments

comments

SHARE