Deg Deg: Dagaal Laba Beelood Ku Dhex-maray Degaano Ka Tirsan Buuhoodle

Dagaal ayaa ka dhex bilaabmay laba beelood deegaanka Gocondhaale iyo Horufadhi oo ka tirsan Buuhoodle dhinaca galbeedna kaga quman.

Dagaalkan oo ilaa haatan soconaya ayaan si dhab ah loo ogayn khasaaraha uu geystey, waxaase la sheegayaa in ay jiraan dad dhintay iyo kuwo dhaawac ahba.
“Dagaal ayaa ka bilaabmay labadan beelood oo khilaaf degaan mudooyinkii la soo dhaafay ka dhex oognaa” sidaana waxaa HOL u xaqiijiyey Cali Cismaan oo ku sugan Buuhoodle, isagoo intaas Ku daray in aan khasaaraha runta ah aan la sheegi Karin.
Qaar ka mid ah waxgaradka Buuhoodle ayaa sheegay in beryahanba ay socdeen dadaal labada beelood lagu dhex-dhexaadinayo hadana in ay ku dadaalayaan sidii loo joojin lahaa.
Wararka suuqa laysla dhexmarayaa waxa ay sheegayaan in 6 ruux Ku dhinteen labada dhinacba.

Comments

comments

SHARE