Deg Deg: Xukuumada Madaxweyne Farmaajo Oo Heshiiska Dp-World Iyo Somaliland Ka Hadashay + Muuqaal

Maamulka Farmaajo Oo Uu Diiqadgaliyay Heshiiska Somaliland, DP World & Itoobiya

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir jaraa’id oo uu goorfhaweyd qabtay waxaa uu ka hadlay heshiiskii Dekeda Berbera ee ay saamiga ku kala saxeexdeen Shirkadda Somaliland, DP World, iyo dowladda Itoobiya, iyadoo heshiiskan la saxeexay xilli Ra’iisul Wasaraaha ku sugnaa Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskaas aanay qeyb ka aheyn, lugna ku laheyn, isagoo xusay in mowqifka dowladda uu yahay midka ay soo saartay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee ay heshiiskaas ku tilmaamay inuu ahaa mid sharci darro ah , isla markaana ay sharciga la tiisan doonaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa awalba xasaasiyadu ku kici jirtay, marka lasoo qaado horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markale waxay diiqad iyo cadho ka muujisay heshiishkii shalay magaalada Dubia qalinka lagu duugay ee maalgashiga dekedda Bereba, oo ay Dawladda Somaliland iyo Shirkadda DP World iyo dawladda Itoobiya kuwada saxeexdeen heshiis saddex geesood ah.

Comments

comments

SHARE