Somaliland: W/Xigeenka Warfaafinta Oo Daaha Ka Fayday Musuq Maasuq Ragaadiyay Tv-Ga Qaranka, Hal Kombiyuutar Oo Ay Ugu Tageen Iyo Halka Lala Maray Lacag Malaayin Doollar

“Mrkii Aanu Nimid Tv-Ga Qaranka Waxaanu Isla Garanay Inay Teendhadii Baligubadle Ee Ragga Halkan Joogaa Fadhi Jireen Ay Ka Karaamo Badnayd”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees ayaa badka soo dhigay Shalay xaalad culus oo ay ugu tageen isaga iyo wasiirku Guud ahaan Wasaaradda Warfaafinta,Waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay inay Wasaaradu aradan tahay oo aanay wax qalab ah ugu tagin isagoo sheegay inay hal Koobiyuutar ugu tageen.
Wasiir ku xigeen ayaa sidan ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay Munaasibad loo qabtay mareeyihii Cusbaa ee Tv-ga Qaranka loo magacaabay waxaana uu yidhi“Wasaaradda Waanu Nimid,Waanu eegnay,Department kasta oo wasaaradda ah waanu la shirnay,qolkasta oo Wasaaraddu leedahay waanu galnay,meel kasta oo ay hawli ka socoto waanu eegnay,runtii markaan sidaasi u darsay,ee aan qiimeeyay aad iyo aad ayay calooshu iiga xannuuntay,Todobadaa sanadood iyo intaasi ka horaysay ee wasaaradaha dalka iyo dadkuba ay kobceen,Kobocaasi waan ka arki waayay markii aan soo galay Tv-ga Qaranka Teendhadii Baligubadle ee ragga halkan joogaa ay fadhi jireen ayaa ka haybad iyo karaamo badnayd,Gudahiisa”.
Waxa kale oo uu yidhi“Markii aanu sidaasi u eegnay waxaa uu caqligayagii nasiiyay inaanu nimankii haystay u yeedhno oo aan Khadar Cakule u yeedhno,oo aanu nidhaahno Khadar ow ka waran meesha,Maxaa dhacay?Way noo warameen,Waxay noo sheegeen inay aradan tahay ayay noo sheegeen,inaanu qalab jirin ayay nooga warameen,In inanku Kamerada leeyahay ayay nooga warameen,Waxaa lanooga waramay asadka ku baxayay ee lacagta lagu sheegayo ee uu madaxweynuhu hadal hayay,ee nin waliba hadal hayay,Illaahay yaab ayuu nooga keenay, markii aanu sidaasi u eegnay aniga iyo Wasiirku waxa aanu isla garanay Meeshani inay dadayna u baahan tahay, Qalabayna u baahan tahay,hadaanu saxanahay iyo haddii aanu qaldanahayba bal inuu isbadel yimaadaabaanu ku talo galnay”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Tv-ga Qaranku Hal Computer ayuu leeyahay,maalintaan kormeeraya Galabnimadii waan baxay,Waxaan tagay Horn Cable tv,Waxaan galay Qolka Baahinta,waxaan arkay 6 computer oo sidaasi uyaalla oo lix war haddii ay soo dhacaan markaaba laga gaadhsiinayo,waxaan eegay Tv-gii Qaranka oo Hantidii Umaddu ku baxayso oo hal Kubuyuutar yaalo oo Kuyuu loogu jiro,waxaan arkay ninka oo dibada ka soo hadlaya oo ninka warka duubayaa leeyahay aamus aamus” ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

Comments

comments

SHARE