Deg Deg: Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland OO Hada Socdaal Ugu Baxay Dalka Imaaradka Cabarabta Iyo Siilaanyo Oo Shalay Socdaal Ugu Baxay

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa waxaa uu safar deg deg ah ugu baxay dalka Imaraadka Carabta, isaga oo xalay fiidkii gaadhey magaalada Dubai.

Safarka wasiirka ayaa lagu sheegay in uu yahay mid uu kalamo la yeelan doono madaxda ugu sar sarreysa shirkadda maamusha dekadda Magaalada Berbera ee Dp World.

Safarkan deg deg ah ayaa waxaa uu imanayaa xili ay wargeys-yada Hargeysa ka soo baxa ay maalintii shalay aheyd sheegen in xukuumada Madaxweyne Biixi ay hakisay dhismihii saldhigga Millatari ee Imaraadku ka wadey magaalada Berbera

Sido kale Sida ay Bahada wargane Helayso aya waxa ay sheegayan in loo Yeedhay Madaxweynihii hore Ee Somaliland Md Axmed M Maxmuud Siilaanyo Iyo Wasiir Sacad Oo Hora uga Soo Shaqeeyey Heshiiska Dp-World

Comments

comments

SHARE