Somaliland: Nuxurka Kulan Qasriga Madaxtooyada Ku Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Mujaahid Cabdilaahi Darwal

Dalabkii Muuse Biixi + Diid-madii Cabdilaahi Darwal Iyo Doodii Dhexmaray
Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Ex wasiir Mujaahid Cabdilaahi Imaan Darwal, ayaa maalintii shalay ahayd kulan uu ku dhexmaray qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo la sheegay inuu ka dambeeyey dalab ka yimi dhanka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Ilo wareedyo ku sugan qasriga Madaxtooyada aya u sheegay Wargeyska Somalilandtoday in maalintii shalay uu Madaxweyne Muuse Biixi qasrigiisa kulan gaar ah kula yeeshay Siyaasi Mujaahid Cabdilaahi iimaan Darwal, iyadoo is xog-wareysi kadib uu Madaxweyne Muuse Biixi u qaddimay inuu u baahanyahay inuu la shaqeeyo, balse Cabdilaahi Darwal, ayaa u sheegay in aanu diyaar u ahayn hadda inuu xil ka qabto xukuumadda Muuse Biixi, isla markaana aanu ciil u qabin qabashada xil wasiirnimo iyo wax kale toona.

Kulankan Shalay dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasigan weyn ee Mujaahid Cabdilaahi iimaan Darwal, ayaa wuxuu daba socod codsiyo kala duwan oo uu Muuse Biixi u diray mujaahidka , kuwaas oo ahaa qaar uu kaga dalbanayo inuu kamid noqdo xukuumaddiisa, balse uu gacan saydhay Cabdilaahi Darawal inuu kamid noqdo Xukuumadda Muuse Biixi uu hoggaaminayo.
Geesta kalena waxa xogguhu ay intaasi ku dareen in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Mujaahid Cabdilaahi Iimaan Darwal ay ka wadda haddleen xaalada guud ee dalka iyo xaraarada qabyaaladda sidii loo damin lahaa,iyadoo ay dhexmartay dood adag oo ku aadan sidii xaaladahaa loo waajihi lahaa daweyntoota.
Waxkale oo ay xogaha aanu ka helayno Madaxtooyada ay sheegeen inuu Mujaahid Cabdilaahi iimaan Darwal uu u sheegay Madaxweyne Muuse Biixi inuu ku dhexda u xidho sidii uu dadka ku kala irdhoobay xanaftii doorashada uu iskugu soo dhaweyn lahaa,isla markaana looga fadhiyo inuu cadaalada uu ku dhaartay ku maamulo dalka iyo dadkaba.
Gunaanadkii kulankan ayaa la sheegay inuu ku soo dhammaaday jawi degen iyadoo uu Mujaahid Cabdilahi Darwal u gudbiyey Madaxweynaha talooyin wax ku ool, balse waxa la sheegay inuu ka cudur-daartay inuu wax xil ah ka qabto xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Comments

comments

SHARE