Somaliland: Abiib Iimaan Xassan iyo Guri-barwaaqo Midke Aya U Qalmaha Wasiirka Warfaafinta W/Q Calimahdi Jibriil

Madaxweyne Abiib Iimaan Xassan iyo Guri-barwaaqo waxaa wasiirka warfaafinta u Qalma Abiib Iimaan Xassan oo 30-Sanno Qaranka u adeegayay una shaqaynayay
( Wasiir sadexdii waaxood ee warfaafinta laba reerkiisa u magacaabay iyo suxufi 30 sanno oo qaranka u shaqaynayay qabyaalad lagu xaman )

Aan Idinla Wadaago Khilaafka Wasaarada Warfaafinta iyo Ceebaha Dul-hoganaya sida looga gudbi karo.

Wasaaradda warfaafintu oo ah rukun-weyn oo Qarankani leeyahay ma degto mana Dib-udhacna kama Baxdo,

Khilaafka maanta ee labada garab u kala jabiyay aan wax ka dhoho Ashkaasta kala hogaaminaysa ee kala ah Garabka Wasiir Guri-Barwaaqo iyo Garabka Weriye Abiib Iimaan Xassan.

Wasaarada Warfaafinta miisaaniyada ugu badan qaranka baa ku baxa intaas oo malyan oo dolar ayaa gala hadana warbaahinta dowlada sida TV-ga Qaranka waxaa maanta Tv-geena Qaranka ka tayo Baddan telefishanada ashkhaastu leedahay ee miisaaniyadoodu 30,000 ee dollar tahay, iyadoo tvgeena 3milion lacag ku dhowi ku baxdo sanadkii waana laga tayo badanyahay waana laga tamar roonyahay.

Idaacadeena waxa maanta ka saamayn badan Websiteka Ilays News oo uu Eng Cabdi Raxiim Mowliid keligii abdate gareeyo,

Wargeyska dowlada oo xataa madbacad leh color-na ku soo baxa xabad lagama iibsado inta xafiisyada dowlada la iska dhig-dhigo ma ahaane, qaarna Resturants-ka yaryar ee cunta baaa la geeyaa oo dadkaa afka iskaga masaxa waxaana maanta ka akhris badan oo la iibsadaaba wargayska SAXAFI oo ah wargayska ugu suuqa yar joornaalada madaxa banaan kaas baa ka sii saamayn baddan,

iyadoo saa tahay tayo xumada shaqaalaha warbaahinta dowlada ee keena in aanay samayn karin weriyeyaasha dowladu hal war ama hal warbixin oo saamayn leh waxaa keenta maamul xumo, qof aad dhagaysankarto tvga qaranka maanta malaha waxaa ugu dhow weriyaha Madaxweynaha Ahmed-zaki Daahir Xasan ayuunbaad dhegaha siin kartaa.

Abiib iimaan, Maxamed xuseen, axmed xuseen warsame, cabdirisaaq, deeqsi cali caano dhame iyo jiilkaa waaweyn iyaga awoodna lama siiyo khibradoodana lagama faa’iideeyo eed maleh, lkn maamulka ama wasiirada aan aqoonta u lahayn ee wasaarada la keenayo iyo danaha gaarka ah baa dilay .

labada shakhsi ee garabyada dilaacay kala hogaaminaya aan mid ka dhoho.

25 sanno ayuu Abiib qaranka u shaqaynayay waxaana lagu xasuustaa barnaamijyo iyo warar taariikhiya ilaa bilowgii somaliland wax kale iska daaye heesta TV-ga astaanta u ah isagaa curiyay oo sameeyay waana ruug cadaa khabiir ah,

Wasiir Guri Barwaaqo waxaa la dhahaa waa Qoraa Taariikh kale looma hayo Buugga uu qorayna maalin baan akhriyay waa mid cay ah oo mid ka mida qabiilada soomaalida uu ku af-lagaadayno cirdigoodaana uu meel kaga dhacayo.

abiib qabyaalad weligii laguma xaman ku dhawaad 30 sanno oo uu weriye ahaa, lkn dhigiisa ama ninka ay is hayaan ee wasiirka warfaafintu wuxuu ka xishoonwaayay in 3 waaxood oo wasaarada ka tirsan uu cadaalad u qaybiyo,
hadda bal u fiirsada wasaaradu waa sadex waaxood, Tvga idaacada iyo wargayska dowlada, sadexdii laba ka mid ah wiilal reerkiisa ah buu siiyay weligeed ma dhicin wasiir sadexda qof uu magacaaboba laba reerkiisa ka dhigay, idaacada wuxuu u geeyay Maxamed siciid oo ay isku reeryihiin, wargayskana wuxuu u dhiibay caloolay oo uu isna adeer u yahay, inkastoo laga yaabo in madaxweynuhuna la ogyahay, hadana marna iskuma qalmaan abiib iyo guri-barwaaqo

yaa u qalma labadooda wasiirka warfaafinta.

shakhsiyan waxaan aaminsahay in abiib u qalmo oo kana aqoon madanyahay kana magacweynhay kagana khibrad badanyahay guri-barwaaqo, isaga markaa ha loodaayo ayaan odhanlahaa si khilaafku meesha uga boxo wasaarada iyo warbaahinta dowladuna u sii shaqayso daawadayaal akhristayaal iyo dhagaystayaalna ay u helaan.

hadii kale Karin-news baa ka saamayn badnaan weligood warbaahinta dowladda

Comments

comments

SHARE