Cajiib: Marwo Khadra Xaji Gaydh Oo Arrimo Xasaasi Ah Uga Warantay Wargeys Ka Mid Ah Kuwa Ugu Caansan

Marwo Khadra Xaji Gaydh Oo Wargeyska FOORE Uga Warantay Xilka Ay Iska Casishay Ee Uu Madaxweynuhu Dhawaan U Magacaabay Iyo Waxay Ka Yeelayso Xisbigeedii KULMIYE

Agaasimihii Guud ee hore ee Madaxtooyada Somaliland Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis(Khadra Xaji Gaydh) ayaa Waraysi khaas ah oo ay Shalay Wargeyska Foore siisay waxa ay kaga hadashay sababta ay iskaga casishay Booska Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Tayada oo uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi u wareejiyay,waxa ay sidoo kale kaga hadashay arimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay inay ka sii mid ahaanayso Xisbiga Kulmiye iyo inay xubinimadiisa isagana iska casilayso.
Marwo Khadra Xaji Ismaaciil Yoonis Oo Waraysi khaas ah Khadka Telefanka ku siisay Shalay Wargeyska Foore ayaa ugu horayn ka jawaabtay Su’aal aanu ka waydiinay Xilka ay iska Casishay waxaanay tidhi“Arintaasi Waa Xaqiiq,Waan iska Casilay Xilkaasi,Somalidu waxay ku maah maahdaa waxaanad hurayn hore ayaa loo yeelaa,kol haddii ay go’aankayga tahay kol haddii aanan Xilkaasi qaadanayn,ayaan go’aansaday inaan isla Goobtaasi aan taaganahay ee aan ku wareejinayay Xilkii hore ee Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda aan kaga dhawaaqo, islamarkaana aan hawlahayga gaarka ah iyo arimaha Bulshada wixii aan ka qaban karo ee kale inaan u madax bannaanaado,kolkaas waxay ilanoqotay kol haddii aanan booskaasi qaadanayn in isla munaasibadii aan xilka ku wareejinayay kaga dhawaaqo inaan xilkaasi Madaxweynuhu ii igmaday iska casilay,oo aanan qaadanayn”.
Su’aal uu Wargeyska Foore ka waydiiyay Marwo Khadra Xaaji Gaydh sida Booska loo magacaabay ee Ku xigeenka Hay’adda Tayada uu ula muuqday markii hore ayaa waxa ay tidhi “Waxaan ahay qof han siyaasadeed oo fog iska leh,markaas taasi awgeed maadaama oo aan ahay Gabadh siyaasiyad ah,oo aanay igu jirin inaan danaysto oo qudha,(Danayste siyaasi ma noqon karo eh),waxaan u arkay booskaasi inaanu aniga ii cuntamayn,oo aanu ii qalmin,markaa waxaan go’aansaday intaan naftayda kadeedi lahaa inaan ka nasto oo aan iska casilo”.
Mar aanu waxa ka waydiinay waxa hadda u meel yaala ee u qorshaysan inay qabato iscasilaadeeda ka dib ayaa waxa ay tidhi“Runtii xilk aad u balaadhan ayaan hayay oo aad u culus,xil Afar wasiir wada hayeen ayaan hayay,markaa inaan saacadan nasto ayaa ii meel taala oo warkaygu waa uu iska cadaan doonaa,siyaasadu waa iska balwad,Gabadh Xirfada Ganacsiga taqaanana waan ahay(Business Woman),haddana hadda siyaasada aad u danaysa oo 15-kii sanno ee u dambeeyay ku dhex jirtay siyaasada ayaan ahay,markaa imika Saacadan wax halkaasi aan usii dhaafayaa majirto”.ayay tidhi Marwo Khadro xaaji Gaydh
Mar aanu wax ka waydiinay Xubinimadii Xisbiga Kulmiye inay isagana iska Casilayso oo ay iskaga tagayso ayaa waxa ay ku jawaabtay“Walaahi Xisbigii iyo Xukuumaddu waa isla dawladii uun eh,Xisbiga KULMIYE Golaha dhexena waan kujiraa,illaa imika saacadan aan taaganahay go’aan kale oo aan qaadanayaa majirto,arinta aan imika ku taaganahay ee aan go’aanka ka qaatay waxa weeyaan oo qudha inaan iska casilay Xilka Gudoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Tayada Somaliland,markaan arkay inaanu ii qalmin uunbaa anigu faraha ka qaaday oo aan iskaga tagay”.
Ugu damayn Mar aanu Wax ka waydiinay inay qaab kale oo qoraal ah ugu gudbisay Iscasilaadeeda Madaxweynaha ayaa waxa ay ku jawaabtay Marwo Khadra Xaji Gaydh sidan “Walaahi Aniguba markii la ii magacaabay ee La ii wareejiyay Hay’adda Tayada waxaan ka dawaaday Tv-ga oo aan warka ka helay,Markaa anigu halkii la ii soo mariyay Magacaabista booskan aan iska casilay ayaan aniguna go’aansaday inaan Madaxweynaha iscasilaadayda u mariyo” ayay hadalkeeda ku tidhi Marwo Khadra Xaaji Gaydh.

Comments

comments